Tuesday, March 18, 2008

Somaliland Press Bill: Xeerka Saxaafadda Somaliland



Fikirka Xorta ah - Dawladda Somaliland ayaa waxay muddo sannad ahba wadday sharci cusub o ay ugu tala gashay in lagu maamulo saxaafadda dalka. Waxa sharcigani yahay mid si aad ah looga dooday. Werwerna ku abuuray shacbiga iyo suxufuyiintaba.

Waxa sharcigan laga soo dheegay iyadoo aan waxba laga beddelin mid laga leeyahay dalka Yemen oo keliya la soo tarjumay. Halkan ka akhri ka Yemen oo dhan http://www.al-bab.com/yemen/gov/off4.htm

Xeerkan Saxaafaddu wuxuu awood dheeraad ah siinayaa maamulka talada haya. Ha ahaado ka maanta jira ama ka berri iman doona. Qodobo badan ayaa waxay dhigayaan in xafiiska Wasiirka Warfaafintu yahay ka keliya ee sharciyan kara suxufiga. Wuxuu dhigayaa inuu wasiirku keliya bixinayo waraaqaha aqoonsiga.

Waxa la yaab leh in qodob kastaa soo koobayo xorriyadda Saxaafadda iyo Suxufi uu u leeyahay qoridda, daabicadda, iyo faafinta warka. Waxa runtii ka dhex muuqda inuu yahay mid awoodda dawladda ballaadhinaya oo xakamaynaya madax bannaanida saxaafadda. (Booqo http://www.somalilandlaw.com/ )

Haddaba maxaa la gudboon dadka ay khusayso ee ay ka midka yihiin Golaha Wakiilada oo sharciga inay ansixiyaan awood u leh? Ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay ilaalinta xorriyadda afkaarta? Ururada ay suxufiyiintu ku bahoobeen waa inay si adag uga dhiidhiyaan si aanu sharcigaasi u suurto gelin.

Waxa jira urur dhallin yaro aqoon yahan qurbo joog ah oo la yidhaa Article 32 oo si tabaruc ah u doonaya inay u caawiyaan suxufiyiinta Somaliland (booqo boggooda http://www.somalilandfreedom.org/). Article 32 ama Qodobka 32 ee Dastuurka Somaliland ayaa muwaadin kasta xaq u siinaya inuu afkaartiisa iyadoo aan la xakamayn siduu doono ugu gudbin karo bulshada inteeda kale.

Qodobkaasi waa kuwa ugu muhiimsan ee bulsho casri ahi maanta ku dhaqanto. Waxana uu yahay aasaaska ummad xor ah oo wada tashan karta, is dhaliili karta, talo wadaagi karta, dabadeedna go'aan dan u ah dalkooda wada qaadan karta.

Haddii la waayo xorriyadda afkaarta, isu imaanshaha, iyo samaynta ururro gaar ah, waxa lumaya xorriyaddii, jiritaankii iyo dadnimadii ay ummadi lahayd. Sidaa daraaddeed looma dulqaadan karo in dawladda hadda maanta joogta iyo midda soo socotaaba ay samayso xeerar xakamaynaya saxaafadda.

Ogsoonow saxaafaddu waa tiir dhexaadka dimoqraadiyadda. Waa miisaanka umadda, waana muraayadda ummadi iska dhex aragto oo iftiimisa dhaliilaha jira, abuurta waddaninimada oo muujisa dal jacaylka iyo ku faanista heerka ay umadi gaadho.

Haddii la waayo saxaafad madax bannaan, waxa lumaya ogaanshaha xaaladda dalku ku suganyahay. Waxa dhacaysa in ay dawlad, shakhsi ama cid gaar ahi ku takri fasho hantida umadda, cabudhiso ciddii ka fikir duwan ama mucaaradda siyaasadeeda. Waxanay keenaysaa inuu dalku u xidhnaado dad gaar ah oo uu noqdo keligi talisnimo aanay cidina ka daba hadli karin.

Haddii aynu maanta oggolaano in la xakameeyo xoriyadda afkaarta iyo saxaafadda waxa ku xigaya in falal xun ay ku kacaan hayadaha awoodda dalka gacanta ku hayaa. In umadda meel mugdi ah lala galo oo dhaqaalaha dalka la lunsado, awooddana lagu takri falo.

Waxa bulshada ku habsanaya dib u dhac dhinaca caqliga ah oo aanay fikrado ay ku kala faidaystaan, iskuna tusan waxa sax ah iyo waxa khaldan ay yaraadaan. Waxa lumaya dadka aqoonta leh oo isu taga oo soo jeediya rayi kala duwan oo dan u ah dalka (Civil Society Forum).

Haddaba waa in yar iyo weynba dawladda la fahamsiiyaa inay cawaaqib xumo keenayso in la cabudhiyo saxaafadda iyo afkaarta dadka.

Waan garan karnaa in ay habboon tahay in xeerar iyo nidaamyo lagu maamulo saxaafaddu ay jiraan. Waxana taa dabooli kara oo aanu in badan soo jeedinay inay dawladdu samayso Guddi (Commission) ka madax bannaan hayadda fulinta oo ka kooban aqoon yahan siyaasad miisaaman leh mucaarid, muxaafid, dhexdhexaad iyo hayadaha aan dawliga ahayn.

Commission kani wuxuu noqonayaa mid barlamaanka geeya xeerka saxaafadda ka dib markay cilmi baadhis ku sameeyaan ee ay dersaan nidaamka ugu wacan ee Somaliland Saxaafaddeeda lagu maamuli karo.

Ka dib golaha wakiiladu waxay dejin karaan sharci madaxweynaha iyo waaxda fulintuna ay saxeexaan. Guddidan cusub waxa awood loo siin karaa inay liisanno siiyaan ciddii doonaysa inay idaacad furato, joornaal soo saarto, ama daabacdo wixii warfaafin ku saabsan. Iyagoo ka qaadi karta ciddii ku xadgudubta sumcadda ama ethics ka la isla meel dhigo.

Waxanu dawladda ku baraarujin lahayn inaanay maanta oo keliya fikirkooda ku koobin ee ay eegaan sida uu xeerkan saxaafaddu mustaqbalka dalka u taabanayo.

Monday, March 17, 2008

Somali Islamist leader rejects talks with gov't

MOGADISHU, March 16 (Reuters) - A senior Somali Islamist leader rejected on Sunday an offer of talks by the interim government to end insurgent attacks, including beheadings, that have sparked one of the world's worst humanitarian crises.

Somali Prime Minister Nur Hassan Hussein said last Wednesday his government was ready to negotiate with opposition groups to end a 15-month insurgency against government troops and their Ethiopian military allies.

Calling for international mediation led by the United Nations' special envoy to Somalia, Hussein said the government was willing to hold talks in any location to end fighting that local aid groups said had killed 6,500 people last year.

Islamist leader Sheikh Hassan Dahir Aweys dismissed the offer, saying his sharia courts movement and its fighters did not recognise the government of the war-ruined country.

"This is not a government. We believe they are people who brought the enemy forces to our country. They are criminals," Aweys, a hardline Muslim cleric, told Reuters in an interview.
"Our fight is against Ethiopia and as long as they are there Somalis cannot have dialogue," he said by phone from Eritrea, where he is living in exile after fleeing Somalia last year.
Aweys, who the United States says is linked to al Qaeda, said the Islamists were "freedom fighters".

"The country is under Ethiopian colonisation and must be liberated from the enemy," said the former army colonel who was decorated for bravery in a war against rival Ethiopia in 1977.
Many Somalis living in the shell-shattered capital fear the Islamists' refusal to accept talks unless historic foe Ethiopia withdraws its troops signals more attacks which are already forcing some 20,000 civilians to flee Mogadishu every month.

Islamist insurgents were accused of spreading terror by cutting the heads off three Somali soldiers last week.

The head of the U.N. refugee agency told Reuters last Thursday that Somalia's problem was "intractable" with no sign of improvement. Guillermo Bettocchi said Somalia was a "negelected crisis" which surpassed Sudan's Darfur region.

Sheikh Aweys led Somalia's Islamic Courts Council, which ruled Mogadishu and much of southern Somalia in the second half of 2006, before it was ousted by allied Somali-Ethiopian forces.

Aweys recognised Prime Minister Hussein as "humble and a peace lover".
"But we are very sorry that he has placed himself in this position," he added.
The Horn of Africa country has had no effective government since warlords overthrew dictator Mohammed Siad Barre in 1991 and then turned on each other, plunging the country into chaos.
The remnants of Aweys' movement is now blamed for an Iraq-style insurgency punctuated with roadside bombings, assassinations and grenade attacks.

(Editing by Katie Nguyen)
(For full Reuters Africa coverage and to have your say on the top issues, visit: http://africa.reuters.com/ )

Saturday, March 15, 2008

Waftiga xisbiga UCID oo guulo la taaban karo ka soo hooyay dalka Canada loona qabtay xaflad sagootin ah


Fikirka Xorta ah - Waxa beryahanba booqasho dibadda ku marayay wafti balaadhan oo isugu jira xildhibaanno Golaha Wakiilada ee Somaliland ka tirsan oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ee UCID iyo guddida Fulinta ee UCID.

Waftigan oo ay hore ula socdeen Guddomiyaha Xisbiga Faysl C. Warabe iyo Afhayeenka am Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Cirro oo iyagu hadda dalkii ku laabtay hawl shaqo aawadeed ayaa waxay soo mareen dalal badan oo ka tirsan Yurub, USA iyo Canada.

Qaybta hadhay oo haatan ku sugan dalka Canada ayaa waxay toddobaadkan la kulmeen madax sare oo ka tirsan dawladda iyo barlamaanka Canada. Iyagoo soo hooyay guulo wax ku ool ah oo ay ku jiraan ballan qaadyo la taaban karo ama la daba geli karo.
Waftiga haatan ku sugan Canada oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Naasir X. Cali, Guddoomiyaha Xisbiga ee Waqooyiga Amerika Keyse C. Geeddi, Mudane Maxamed Ibrahim Adan (Qabo) oo k atirsan guddida fulinta, Mudane Ibrahimrashid M. Axmed, iyo Mudane Axmed Xuseen (Fag-Fagaash) ayaa lugtii safarka ee u dambeeyey maanta kula kulmaya bulshada reer Somaliland ee deggan caasimadda Canada ee Ottawa.
Waxa habeenkii Axaddii ay ka soo noqdeen magaalada Toronto oo ay loogu sameeyey xaflad ballaadhan oo lagu sagootiyay. Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay Guddoomiye Xigeenka UCID ee Toronto Mudane Nasir Maxamud ayaa waxa ka hadlay dad dhawr ah oo odayaasha reer Toronto iyo xubnaha waftigaba isugu jira.
Waxa hadal mahadnaq iyo guubaabin ah ku furay Guddomiye Nasir Maxamud oo waftiga uga mahadnaqay imaantinka Canada oo noqotay mid ay guul dhab ah dalka iyo dadkaba u soo hooyeen. Wuxuuna sheegay inay reer Toronto caado u tahay inay cid kasta oo Somaliland ka soo jeedda oo wafti ugu timaadda xisbigay doonaaba ha ahaadeene ay gacmo diirran ku soo dhaweeyaan.

Waxa sifoo kale ka hadlay Xoghaya Arrimah Dibadda ee Xisbiga UCID Pilot Axmed X. Fagfagaash oo isagu hogaaminayay waftiga safarka Canada ku maraya. Axmed waxa uu si aad iyo aad ah uga mahadnaqay sida hagar la'aanta ah ee ay dadweynaha reer Canada ugu soo dhaweeyeen. Waxa uu sheegay inay ku reebtay raad kalgacal oo uu in badan u haynayo dadka Canada deggan ee reer Somaliland.

Xoghaye Axmed Fagfagaash oo ku hadlaya magaca waftiga ayaa waxa uu abaal marin guddoonsiiyay dadkii sida hagar la'aanta ah waftiga ugu hawlgalay. Waxana uu sheegay inaanay laantood u suurto gasheen hawsha ay u yimaaddeen.

Dadkii abaal gudka la siiyay ayaa waxa ka mid ahaa Amina Cabdi Jaamac, Cawil Xaashi Maxamud. Waxa sdoo kale abaal marin ay waftigu siiyeen saxaafadda Somaliland ee sida hagar la'aanta ah uga warrantay kolba siday hawsha waftigu u socoto oo ay ka mid tahay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, Tifatiraha Hadhwanaag Axmednasir Jibril Farax.

Waxa kaloo oo goobta xafladda ka hadlay Xildhibaan Nasir X. Cali, Mudane Maxamed Ibrahim oo waftiga la socda iyo Farax Abokor Khayre iyo Shiine Wacays oo ka tirsan odayaasha magaalada Toronto oo waftiga talooyin ay la guryo noqdaan iyo hadalo xikmad leh soo jeediyay.

Xafladdan oo aad u qurux badnayd waxa sidaanu hore u soo sheegnay soo agaasimay Guddomiye Xigeenka UCID Toronto Mudane Nasir Maxamud oo intii ay waftigu Canada ku sugnaayeen si aan la soo koobi karin masuuliyaddooda dejinta, nasashadooda, gaadiidkooda, qarabasalaankooda iyo dukaansigoodaba u gutay. Isagoo wakhti iyo malba si niyad sami ah ugu hagar baxay.

Waftigan oo la filayo inuu toddobaadka soo socda ku noqdo dalkii iyagoo Yurub sii maraya ayaa waxay warbixinta hoos ku qorani dhigaysaa cidday kula kulmeen Canada iyo sawiradii oo la socda.

Riix halkan si aad u akhrido warbixinta:http://radiohadhwanaag.com/index.php?news=427


Saleban Dahir Cabdillahi ayaa Caawa Toronto si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu u taagan yahay jagada musharaxa Mayorka Hargeysa


Xafladdan ballaadhan waxa ka hadlay dad kala duwan. Waxana ka soo qaybgalay dad badan oo taageero u muujiyay Musharax Saleban.
Toronto (Hadhwanaag) – Xaflad si culus loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Saleban Dahir Cadilahi oo lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada habeenkii Sabtidii ee bishan March ay ahayd 14 ayaa wuxuu Saleban kaga dhawaaqay in uu u taaganyahay, “Musharaxa Golaha Degaanka iyo Musharaxa Mayorka Magaalada Hargeysa’.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo reer Toronto ah ayaa waxa ka hadlay dad kala duwan oo gubaabo iyo dhiirri gelin u soo jeediyay Musharax Saleban Dahir Cabdillahi (Dogox) oo isagu muujiyay inuu ka mid noqon doono dhallinta qurbaha ka noqonaysa ee aqoontooda iyo xirfaddooda dalkii hooyo wax ugu qaban doonta.

Sheeh Shaakir oo ka mid ah culimada diinta ee dalka Canada ayaa quraan iyo duco ku furay. Wuxuuna Saleban ka codsaday inuu noqdo mid ka duwan siyaasiyiinta kale ee iyagu musuqmaasuqa ku shaqeeya. “Salebanow waxan kaa codsanayaa inaanad laaluush qaadan. Inaad xoolaha danta guud ka fogaato, Dadkaagana waxtar iyo fa’ido u yeelato”, ayuu intaa ku daray.

Meesha xafladdan lagu qabtay oo aad loo qurxiyay ayaa waxay ahayd mid ay dadka ka muuqdeen jawi farxadeed. Iyagoo isla sawirayay una bishaaraynayay Musharaxa Golaha Degaanka iyo Duqa Caasimadda Somaliland Mudane Saleban D. Cabdillahi.

Waxa taariikhdii Saleban si kooban uga hadlay Khadar Guun oo ka mid ah dadka deggan Toronto oo aqoon badanna u leh Saleban. Khadar Guun waxa uu ka warramay heerarkii dhalin yaro ee ay soo wada mareen iyo sida ay jiilkoodu manta noqdeen kuwa la wareegaya maamulka dalka. “Saaxiibkay Saleban ayaa maanta siyaasadda dalka iyo hoggaankiisa u diyaar ah. Waxa kaloo jira rag ka horreeyey iyo qaar naga dambayn doona. Maanta waa Alle Mahaddii haddii ay jiilka aanu isku dada nahay noqdeen kuwo u diyaara inay dalkooda siyaasaddiisa hoggaamiyaan oo dadkooda wax u qabtaa.” Ayuu yidhi.

Khadar oo ammaan u soo jeediyey Saleban ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu ku jiro ragga sida fiican ugu guulaystay nolosha qurbaha ee qoys, aqoon, shaqo iyo ganacsiba isku waday si miisaamanna u noqday kuwo ka gun gaadha nolosha adag ee qurbaha.

Xasan Ducaale oo ka mid ahaa dadkii isku dubba riday xafladda caawa ayaa isagu hadal kooban ku sheegay in ay reer Toronto diyaar u yihiin inay Saleban ku taageeraan musharaxnimadiisa.

Xafladdan oo uu xidhiidhinayay Gabyaaga Caanka ah ee reer Toronto Cali Jaamac ayaa waxa dhinaca muusiga daadihinayay ninka dhallinta yar ee Cabdillahi Boqol oo heeso macaan oo qoob ka ciyaar dhalintu ku raaxaysato soo bandhigay.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayuu Saleban Daahir Cabdillahi (Dogox) habeenkii Sabtida soo bandhigay. Waxa uu taabtay meelaha looga baahanyahay in si degdeg ah wax looga qabto oo uu sidii wax looga qaban lahaana soo jeediyay.

Saleban waxa uu sheegay in magaalada Hargeysa noqotay mid aad u weynaatay oo maamul adag u baahan. Waxay doonaysaa qorshe lagu hore mariyo oo isu dheelli tiran ayuu qeexay. Waxana uu yidhi, “Meelaha wax qabadka u baahan waxa ka mid ah in la helo biyo wada gaadha dadka deggan Hargeysa’. Isagoo ku tuuntuunsaday inay biyuhu yihiin aasaaska nolosha qof kastaana xaq u leeyahay in uu biyo uu ku noolaado uu helo.

Khudbadda Saleban uu ku soo bandhigay inuu musharrax yahay, meelaha wax qabadka u baahan, talooyinka iyo qorshayaasha uu wato ee uu ku saxayo. Oo ay ka mid yihiin casiryaynta cashuur ururinta, dayactirka waddooyinka, caafimaadka guud, waxbarashada iyo shaqaalaha dawladda ayaa waxanu ku eegi doonnaa qormada dambe.

Ugu dabmayn waxa dadkii ka qoslisay iyadoo afka English ku hadlaysa Saleban inantiisa ugu yar oo lix jir ah oo la yidhaa Siman. Waxayna tidhi marka afka Somaliga loo tarjumo, “Waxan ku faraxsanahay inuu aabahaydadkiisa wax u qabanayo. Waxaad ku mahadsan tihiin inaad taageeraysaan oo aad caawa halkan isugu timaaddeen. Waxanan Aabahay weydiisanayaa inuu [Hargeysa u] dhiso dab demis iyo inuu sameeyo telefonka la waco ee [emergency ama marka dhibaato dhacdo la diro] 911”. Siman waxay dadkii meesha joogay ka qoslisay dhiirri gelin badanna ku beertay iyadoo sacabka mar keliya la isku daray.

Haddaba xafladdan oo ahayd mid aad loo habeeyey ayaa waxa intii dambe noqotay mid dadku ay iyagoo raxan raxan ah sawirro la galaan Musharrax Saleban. Halka ay qaar kale qoob ka cayaar iyo kaftan iskula joogeen. Waxana uu ahaa habeen caweys farxad iyo raynrayn ku dhammaada.

Hadhwanaag
Toronto, Canada

Thursday, March 13, 2008

Sir iyo Caad: Blog dhinaca sirdoonka loogu talagalay

Waxanu bog cusub u furnay bulshada danaysa Sirdoonka ama taariikhda Sirgoobka. Booqo Bloggan loogu talagalay in la isku dhaafsado wixii culuun war raadis ama war dahsoon daah furkiisa loo sameeyey.
Maxaad kala socotaa NSS tii Somaliya xilligii Siyaad Barre sirdoonka caanka ku ahayd? Yaa tababaray? Yaa ka tirsanaa? Ya ka hadhay? Madaxda Somaliland inteebaa Sirdoonka ku xeel dheer? Waa maxay Khatarta iyo faa'idada Sirta iyo doonisteedu?

Ha moogaan Bogga Sir iyo Caad oo aanu khubaro akhbaarta sirta ku xeel dheer aanu ku waraysanayno. Baro inta hayadood ee sirta ku shaqo leh ee adduunka ka jira?

Dhacdooyinkii NSS, MOSSAD, CIA, KGB, FSP, MI5, MI6 iyo kuwo kale oo badan halkan ka akhri. La soco isbeddelka technology ee ay ku tallaabsadeen iyo weliba qalabka casriga ah ee ay dhegaysiga, qaadista sawirada, duubista codka iyo dilka qarsoon u isticmaalaan.

Arrrr! Warships vs. Somali Pirates


Pirate attacks off the Somali coast are becoming so bad that French and Danish warships -- including a 6,200-ton frigate -- have been called into help. Aviation Week's blog, ARES reports:
According to the Netherlands defense ministry, Somali pirates typically try to capture ships to demand ransom money. There is a local coast guard, particularly in the Somali regions of Somaliland and Puntland, but this a "very limited" in size and capability, the ministry says.


The 3,025-km. long coastline of Somalia (classified as the most dangerous territory in the world because of its lawlessness, widespread civil war and total anarchy, especially in and around the capital Mogadishu) hosts at least four distinct groups of pirates, says the ministry.

These are organized according to tribal and clan backgrounds and are led by war lords, corrupt business men and even local authorities, says the ministry. Pirate groups are well organized and led from headquarters ashore.

To be able to operate far out at sea they increasingly employ mother ships from which they launch small interceptor craft to attack merchant or fishing vessels.

Typical pirate equipment includes communications (radios, satellite phone), radar, assault rifles, machine guns and rocket-propelled grenades.

Typical pirate equipment? What the heck: do they order it from a catalog? BBC this week also has a two-part series (available here and here) comparing pirates of yore to today's high-sea criminals. Pirating ain't what it used to be, though: these days they're attacking ships packed with food aid, rather than gold and treasure.

Somalia war creates 20,000 refugees a month:

By Guled Mohamed
NAIROBI (Reuters) - Nearly 20,000 civilians are fleeing violence in Somalia's capital Mogadishu every month with little hope of peace and stability in the Horn of Africa nation, a senior United Nations' official said on Thursday.

"The problem with Somalia is intractable ... The situation seems to be deteriorating. We don't see any improvement," Guillermo Bettocchi, head of the U.N. refugee agency for Somalia, told Reuters.

"Nowadays, an average of 20,000 people are leaving the city every month."
Up to one million of Somalia's total population of nine million are living as refugees after 17 years of conflict which took a new turn since early 2007 with an Islamist-led insurgency against the Ethiopian-backed government.

Most of the recent refugees are from the capital Mogadishu, where Iraq-style attacks are a near-daily occurrence. Many parts of the capital are destroyed and deserted.

Somalia now has the world's largest group of internally displaced people, Bettocchi said, on a small corridor between Mogadishu and Afgoye town to the west where 200,000 are camped in "very difficult conditions."

Reliant on handouts, many live in makeshift shacks made from sticks, boxes and tattered clothes. "I have never seen anything like Somalia in terms of the suffering of people," said Bettocchi, a 54-year-old Peruvian, with experience in various global hot-spots from Iraq to Sudan.

"NEGLECTED CRISIS"

Aid workers say Somalia's humanitarian crisis is one of the world's worst but is not receiving the attention it deserves. In Africa, it has been overshadowed by the conflict in Sudan's Darfur region.

"The situation in Somalia is not the forgotten crisis but the neglected crisis," Bettocchi said.
"In terms of effect on the people, it surpasses Darfur ... The consequences of the violence in Somalia are much worse."

Trying to escape violence and economic hardship at home, some 10,000 immigrants -- from Somalia and elsewhere in the Horn of Africa -- have fled from Somalia to Yemen this year. They go via the shark-infested Gulf of Aden on rickety boats owned by ruthless smugglers who often throw refugees overboard.

"In 2008 ... we have reports of 200 people who have drowned and died and we have reports of over 250 people who are missing. We don't know what happened to them," Bettocchi said.
He cited the example of an Ethiopian woman who gave birth unconscious on a boat only for the smugglers to throw her baby overboard before she came round. "That kind of abuse is unacceptable," he added.

The U.N. official said smugglers were shifting their bases from Bosasso, a port in the relatively peaceful region of Puntland in north Somalia to Djibouti, which is nearer to Yemen, due to lower costs.

(For full Reuters Africa coverage and to have your say on the top issues, visit: http://africa.reuters.com/)

RE: KOSOVO AND SOMALILAND: THE IMPOSSIBLE EQUATION

The impetus of the Greek professor’s analysis is anchored on “Somaliland’s insubstantial demand for international recognition.”

The complexity of issue requires a more holistic and objective approach addressing the dynamics of the creation of the Somali Republic in 1960 as well as the immediate and the latent causes of the failure of the state. At a minimum, the professor should have asked:

What went wrong and why? What would have been done differently to avert the failure of the Somali state? A nation that does not meet its full potential is an evolutionary failure, and by any stretch of the imagination, Somaliland’s withdrawal from a disastrous union should not and can not be portrayed as the nucleus of all things that went wrong in Somalia.

The subject of recognition of Somaliland is solidly based on indubitable legal and constitutional ground according to international law [law of international treaties, succession of states etc.]. For example, from April 29th to May 5th 2005, a fact finding mission of the African Union, headed by the Right Honourable Mr. Patrick Mazimhaka, Deputy-Chairperson of the Commission of the African Union, visited Somaliland, and among its findings and conclusions is the following excerpt:

“The fact that the union between Somaliland and Somalia was never ratified and also malfunctioned when it went into action from 1960 to 1990, makes Somaliland’s search for recognition historically unique and self-justified in African political history. Objectively viewed, the case should not be linked to the notion of ‘opening a Pandora’s Box’. As such, the AU should find a special method of dealing with this outstanding case.”

Having said that, the histrionics of professor Muhammad shamsaddin megalommatis is an extension of the cloak-and-dagger politics of the Egyptian government. From Butrous-Butrous Ghali to Amar Mousa and in between, the Egyptian Foreign Ministry has been the standard bearer of a futile unholy crusade against Somaliland's quest for recognition. This diplomatic offensive is aimed at forestalling Somaliland's efforts to present to the international community its legitimate right to reclaim its sovereignty.

This diplomacy has ended in utter fiasco. For example, during his heydays at the helm of the United Nations Organisation, Mr. Butrous-Butrous Ghali made one of the most embarrassing and undiplomatic statements during a live interview with the Arabic Service of the British Broadcasting Corporation.

This career Diplomat said, "Doul mush Bani Adam" in response to a question about the Somali crisis. Roughly translated, this short statement means: "They are not human beings." Imagine the bigotry of the Secretary-General of the United Nations! This is the same Butrous Ghali who engineered the United Nations' disastrous intervention in Somalia- a mission without a clear mandate and objectives.

The common thread between the professor Megalommatis and the Egyptian diplomatic corps is intolerance towards any real or perceived threats towards the national interest of Egypt: The River Nile is Egypt and Egypt is the Nile. The livelihood of 100 million Egyptians takes precedence over the very existence of over 180 million inhabitants in the River Nile Basin. The population of the riparian states is expected to double in the coming twenty years.

The imbalance between a diminishing natural resource coupled with the consumption demands of exploding populations, is a sure recipe for an armed conflict in the region. The Nile Water Agreement of 1929 guarantees Egypt about 56 Billion cubic meters out of about 74 Billion cubic meters of the total water flow- that is roughly 76% of the total water volume. This outdated formula gives the Egyptian government almost exclusive monopoly and right of usage of the River Nile waters.

For example, one of the clauses of the agreement states: "Without the consent of the Egyptian Government, no irrigation or hydroelectric works can be established on the tributaries of the Nile or their lakes if such works can cause a drop in water level harmful to Egypt."

Times have changed and the littoral states [Kenya, Uganda, Sudan, Tanzania, Rwanda, Burundi, Congo, and Ethiopia are under tremendous pressure to renegotiate the terms of water allocation and usage. The Egyptian demands on the waters of the River Nile are simply unsustainable. Sooner or later, the needs of other nations should addressed.

However, the Egyptian regime is not even prepared to address the issue, let alone renegotiate the terms of the old agreement. The Egyptian foreign ministry views any diversion of the Nile water as an act of war. With exploding populations of their own, the countries at the source of the Nile are vying to tap this resource within their boundaries for their domestic agricultural and industrial development needs.

Ignoring the belligerent stand of Egypt, the Tanzanian government embarked on 170 mile long pipe-line to deliver water to about 400,000 people at an estimated total cost of US$85.10 million. The rest of the East African nations question the legitimacy of this eighty year old agreement and it is a matter of time before they follow the Tanzanian example.

To be continued:
Ahmed Ali Ibrahim Sabeyse

Wednesday, March 12, 2008

SOMALILAND: ISBEDDEL CULUS OO KU SOO FOOL LEH QAYBTII 4AAD

Mr. Buubaa oo la filayo inuu Somaliland yimaaddo siyaasaddana ka qayb galo, suurta gal ma tahay, maxaa ka jira? Dhallin mawjad ah oo ku qulqulaya siyaassadda Somaliland. Doonista mayorka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland oo lagu batay. Xisbiga Kulmiye oo weli faro maroorsi iyo xodxodasho jiq isku ah. Rayaale oo xiddiggiisu sarcanayahay calanka aqoonsigana dadka hor lulaya kuna xuuxinaya. Ma keeni doonaa? Guddida Doorashada Qaranka oo tiradii dadka la il daran. Iyo weliba danaha Maraykanka ee Somaliland.
_______________________________________________________________
Qaybtii 4 aad
La soco toddobaadkan
_________________________________________________________________
Qaybtii 3aad
Xisbiga Kulmiye oo weli faro maroorsi iyo xodxodasho jiq isku ah.
Fikir Xorta ah -Sida laga warqabo xisbiga mucaaradka ee Somaliland ee Kulmiye ayaa u diyaar garoobaya inuu qabsado shirweynihii ay ku dooran lahaayeen madaxda tartanka doorashada madaxweyne iyo ku xigeenkisa uga qaybgeli doonta.

Waxa soo jiitamay oo illaa muddo sanad ah dib u dhacay goortii iyo habkii shirk aloo qaban lahaa. Taasoo ay ugu wacnayd hawlo badan oo ay ka mid tahay is maandhaafka awood qaybsiga xisbiga dhexdiisa.Waxa arrinta murgiyay waa habka dimoqradiyadda isku dhafan ee ay Somaliland qaadatay inay isku maamusho.

Habkan oo ah mid isu keenay dimoqradiyadda reer galbeedka iyo wadaagga beelaha am aardaayada oo la isu miisaamo.Habkan oo aanu u bixinay, “Dimoqraadiyadda Dhaqamaysan” halka ay reer galbeedku ugu yeedhaan “Hybrid Democratic System”, ayaa kellifay in uu warer keeno.Waxay siyaasiyiinta qaarkood aaminsan yihiin inay arrin beeleed ku mcaashayaan, halka ay kuwo kale ku qanacsan yihiin inay cod dheeri wax ku helayaan.

Si kastaba ha ahaatee fara maroojis, is jiidasho, kala xanaaq, iyo isu soo noqosho dabadeed waxa Xisbiga Kulmiye ugu dambayntii laga yaabaa inuu bishan Marso dhammadkeeda uu shir u qabsoomo.

Dad badan baa qaba in xisbigu iska lumiyay wakhti badan oo ay olole qaran ku geli lahaayeen. Nin lagu magacaabo Yasin Cabdilahi Ahmed oo ka mid ahaa dadka fikraddooda website yada ka dhiibtay ayaa isagoo afka ingiisiga ku qoray ku sheegay, “In ay wax waliba ku xidhnaan doonaan sida ay 500 ee xubnaha shirku ay u doortaan su’aasha cakiran ee ah sida hoggaanka fulinta iyo golaha dhexe loo dooranayo”.

Waan midda in badan hortaagnayd horumarka xisbiga sidii awoodda golaha dhexe, fulinta ama musharaxiinta loogu qoondayn lahaa beelaha kala duwan ee reer Somaliland. Iyadoo la eegayo saamaynta uu go’aan waliba ku yeelan karo mustaqbalka dadka iyo dalka.

Haddaba taagerayaasha xisbiga oo aanu wax k aweydiinay ayaa iyagoo ku kalsoon sheegay in rajada isku duubnida Kulmiye uu manta meel fiican marayo shirkuna qabsomi doona.Hase yeeshee dhinaca ka soo hojeeda oo isbadiya in aan hoggaankoodu madmadow lahayn ku murmayaan in Kulmiye uu lug halis ah ku taagan yahay iska horimaadna ka dhici karo.

Si kastaba ha ahaatee waxanu sugnaa waa qabashada shirweyanaha Xisbiga Kulmiye ee la rajaynayo inuu dhaco bishan dhamaadkeeda.
____________________________________________________________

Qaybtii 2aad

Dhallinta mawjad ah oo ku qulqulaya siyaasadda Somaliland. Doonista Mayorka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland lagu batay.

Fikirka Xorta ah - Waxa soo kordhaya dhallinta dibadda ku nool ee ku hamiyaysa inay siyaasadda dalka iyo hoggaanka Somaliland ka qayb qaataan. Waxa dhawaan dhici doona doorashada golaha degaanka iyo ta madaxweynaha. Waxana dadka inta badan doonayaan inay ka qayb galaan golaha degaanka caasimadda iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ee dalka.

Dhallintan oo u badan jiilka iyagoo dhallin yaro ah oo uu dagaalkii ku dhacay iyagoon aan weli bilaabin shaqooyin muhiim ah amaba aan dhammaysan waxbarashadii sare ee ay ku jireen.Waxay leeyihiin damac dheer oo wax hor istaagayaa aanay arkayn.

Hammigan oo ay horseed ka tahay waayo aragnimada ay ka barteen dalalka dibadda ee ay ku noolaayeen intii la soo qaxay. Iyagoo wax ka bartay, ka shaqaystay, kana helay waayo aragnimo dhinacyo badan taabanaya.Qaarkood waxay nasiib u yeesheen inay ganacsi galaan oo dhaqaale uruursi ay helaan.

Taasoo kordhisay damaca siyaasadeed ee ay leeyihiin. Dhallintan oo rag u badan oo aanay qof dumar ahi illaa hadda ku jirin ama soo shaac bixin, marka laga reebo Khadija X. Bandare oo iyadu dalka ku nool damacsanna sida lagu soo waramayo inay ka qayb qaadato tartanka Mayorka caasimadda, ayaa la filayaa inay dhiggooda siyaasiyiinta gudaha dalka ku nool iska horimaad ka dhaco.

Tusaale ahaan, waxa wararku sheegayaan inay illaa 8 ama 9 musharrax hoosta uga diyaar garoobayaan oloohooda ku aaddan siday u hanan lahaayeen jagada Duqa Caasimadda ee Hargeysa.Haddaba faraqa labadan kooxood ee qaar dibadda ka soo duuleen kuwana u haysta inay "u soo cabbeen ---" oo ay xaq u leeyihiin inay siyaadda majaraha u hayaan sidee la isugu soo dhawayn karaa?

Fadlan rayigaaga noo soo dir.
___________________________________________________________________

Qaybtii 1aad

Ismaaciil Buubaa:

Fikirka Xorta ah - Runtii way adagtahay in si fudud loo garto in cidina diyaar u tahay. Iyadooy ugu wacan tahay in markooda hore aanay jirin siyaasad is raacsan ama hoggaan uu wada tashi ka dhexeeyo.

Madaxweyne Rayale iyo dawladdiisu waxay ku qanacsan yihiin in la doortay isla markaana aanay cid kale la wadaagin maamulka dalka. Waxay illaabeen in kalsoonida shacabku uu badh siiyay mucaaridka oo ay talada iyo mustaqbalka dalka wax ku leeyihiin.

Waxay dawladdu iska indha tirtaa in ay xisbiyada ama haydaha tiirarka u ah siyaasaddu yahay wada xaajood ka dhexeeya xisbiyada iyo hoggaankooda. Mucaaridku waxay ku hungoobeen inay qiimeeyaan ama ixtiraam iyo sharaf siiyaan magaca dawladnimo. Waxay ku ceeboobeen in ay xafiiska madaxweynaha oo laga yaabo inay berri ku fadhiistaan la ciseeyo.

Waxana halka ay dawladda iyo siyaasadeeda dhaleecayn u soo jeedin lahaayeen ay kaga dhegtay shakhsi yasid, magic ugu yeedhid iyo aflagaaddo. Tusaale ahaan halkii laga hadli laha hawlaha ay dawladdu ku khasaartay in la yidhaa, "Ina Rayaale” ayaa sidan iyo sidaas ah.

Taasi waxay keentay in hayadihii dalka ee xisbiyadu ka midka ahaayeen baylah noqdaan. Waana ta maanta keliftay in xisbiyada dalka ee saddexda ah ee dastuurku qorayo noqdaan kuwo magac uun u taagan. Waxana dhacda in mararka qaarkood ay qabiilo gaar ahi sheegtaan. Ama waxad maqlaysaa, “xisbigaa reer hebel baa iska leh”.

Akhriste marna ma isweydiisay sababta saddex xisbi loogu soo koobay siyaasadda dalka? Waa in laga ilaaliyo qabyaalad oo ay noqdaan hayado dastuuri ah oo u dhexeeya dhammaan muwaadin kasta oo raaca mabaadiida kay jeclaadaan. Iyadoo aan loo diidi Karin inay ku tartamaan kana mid noqdaan madaxda xisbiga ay doortaan.

Waxay markaa ku siinaysaa in aan cidna xisbi gaar ah sheegan Karin. Qofkii sheegtaana uu xaaraan yahay. Muwaadin kastaana uu sharci ahaan kula doodi karo shakhsigii ka xigsada.

Haddaba oggolaanshaha muwaadin kasta oo u dhashay isagoo ka faa’idaysanaya ayaa waxa beryahan soo baxaya warar tibaaxaya in Ismaaciil Buubaa oo ah siyaasi ka soo jeeda Somaliland hase yeeshee raacsan fikradda Somaliya uu danaynayo inuu siyaasadda Somaliland ku soo biro xilligan.

Lama hubo sababta dhabta ah welina muu shaacin, laakiin wararka sirdoonku waxay soo sheegayaan inuu arkay in ay Muqdishu iyo siyaasadii Somaliya god dheer ku sii socoto, aqoonsiga Somaliland uu dal ahaan goonni isugu taagayana mid maalinba soo kordhaysa u muuqato. Waraysi uu todoobaadkan siiyay wargeysa Geeska ayaa wuxuu Ismaaciil Buubaa si dadban ugu sheegay in uu aaminsan yahay in Somaliland ay ku socoto dariiqii aqoonsiga.

Waxanad mooddaa inuu isu diyaaarinayo sidii uu qayb libaax uga heli lahaa.Waxa la soo werinayaa oo dad ku dhawdhaw isaga iyo xisbiga mucaaradka ee UCID in ay waanwaan xoog lihi u socoto. Iyadoo lagula taliyay inuu saxaafadda ku faafiyo ammaanta Somaliland. Inuu ka toobbad keeno ka soo horjeedkii goonni isu taagga Somaliland. Inuu hantida faha badan ee uu uruursaday ku mashaqeeyo dadka baahan ee Somaliland ku sugan. Dabadeedna ka qayb qaato dawladda dambe ee la dhisi doono doorashada dabadeed.

Sidoo kale warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ismaaciil Buubaa iyo Madaxweyne Dahir Rayaale ay dad isaga dab qaadayaan. Inkastoo aanay weli ku heshiin arrimo dhawr ah oo, haddana waxa lau warramayaa inay aad isugu so dhawaadeen beryahan.

Dadka reer Somaliland waa dad calool furan si fududna wax u cafiya. Waxa ka markhaati ah kumanaanka dambiile ee haddana dalka ku sugan. Iyadoo madaxda dalka qaarkood lagu eedeeyo inay dambiilayaal dagaal yihiin oo xasuuqii si toos ah iyo dad badanba uga qayb qaateen.

Haddaba siyaasadda Somaliland muxuu Ismaaciil buubaa ku soo kordhin karaa? Mar hadduu yahay siyaasi isbeddel badan, ma lagu aamini karaa kursi sir siyaasadeed oo kalsoonida shacabka haysta? Waa su’aal muhiim ah oo u baahan in ay aqoonyahanka seetada dalka wax ku lihi ka doodaan.

Dhinace Kale:

Ismacil Hurre Buubaa waa khabiir ruug caddaa ku ah siyaasadda Somalida oo dhinacyo badan oo heerar badan ka soo maray. Waa aqoonyahan xidhiidh fiican la leh waddamada carabta gaar ahaan dalka Sacuudi Carabiya. Waa siyaasi u dhuun daloola habka sirdoonka ee reer galbeedka oo xidhiidh fiican la leh madax kala duwan.
Markaa ma la odhan karaa wuxuu damacsan yahay cidina ma qiyaasi karto?
Jawaabtu waa mid ku xidhan daba galka taariikhdiisa wixii uu soo qabtay. Kolba go'aanada uu gaadhay iyo tallaabooyinka uu qaaday ka hor intaanu ku kicin. Waxa in badan muuqata inuu dadka uu ka dhashay ee reer Somaliland la leeyahay xidhiidh ka wanaagsan ta ay kuwa isaga la fikradda ah e Somaliweyn aminsani ay leeyihiin.
Wuxuu had iyo jeer isku dayaa inuu caawiyo kolba qofkii u yimaadda. Haddana waa nin ku dheer dhaqaale urursiga oo aan shilinna dhaafin. Hase yeeshee quudha oo bixiya marka la soo martiyo. Wuxuu ku caan yahay inuu lacag badan ku khasiro dadka isaga raacsan ama kasbado kuwo cusub. Waxana guryaha uu Nairobi, Kenya ka deggenaa xilligii Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Col. Cabdullahi Yusuf la dooranayay ku sugnaa kuna noolaa dad aad u badan oo qaxooti ah.
Imaanshaha la saadalinayo inu Somaliland booqdo ama siyaaadeeda ka mid noqdaa waa mid dhicis ah oo aan dhamaystirnayn. Waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimo fara badan inta aan meel lagu tilmaamin. Sida ay raadka taariikheed ee uu illaa hadda soo maray ka markhaati yahay, Ismaaciil Buubaa ma damacsana Somaliland oo keliya inuu xukumo ama taladeeda ka qayb qaato. Hase yeeshee waxay u egtahay xarun uu ka duulo oo uu ku meel mariyo damaciisa siyaasadeed ee ah inuu Soomaaliya Ra'iisal Wasaare ka noqdo.
Hammiga iyo damaca Ismaaciil Buubaa waxa si fudud looga dhex arki karaa sida soocan ee uu u doorto jawaabihiisa waraysiyada uu bixiyo oo uu aad u miisaamo. Waxana ugu dambeeyey sida duur xulka ah ee uu ugu jawaabay markii la weydiiyay inuu Somaliland tegayo goorta ku habboon. Waana mid loo fadhiyo lana arki doono siday ku dambayso.
Ka dhiibo Fikirkaaga