Muddo dhawr sano laga joogo ayaa dad dhibaato ka soo gaadhay dagaalada iyo xasuuqa ay dawladdii Somaliya ee markaa jirtay geysatay ayaa waxay maxkamadaha dalka Maraykanka ka codsadeen in kiiskooda la dhegaysto oo Cali Samatar maxkamad la soo taago.
Dhawrkan qof ayaa waxay xaq u leeyihiin inay dacwad ku soo oogi karaan shakhsi kasta oo dembi dagaal ku gala meel kasta oo adduunka ka mid ah.
Cali Samatar wuxuu xaq u leeyahay inuu maxkamdda tago oo uu is difaaco iyadoo si sharci ah lagu kala baxayo lana eegayo wixii caddaymo ah ee meesha yaalla.
Maxkamadda hoose ayaa afar sano ka hor laashay kiiska oo sheegtay inaan Cali Samatar maxkamad la soo taagi karin mar hadduu ahaa hogaamiye siyaasadeed. Waxa xilligaa Cali Samatar taageerayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka oo garab siisay.
Hase yeeshee qareenada dadka dacweynaya oo xirfad badan u leh dembiyada dadka xasuuqa geysta horena ugu guulaystay maxkamado ay saareen jeneraalo dalalka Laatiin Ameerika ka soo jeeda oo dadkooda sidoo kale laayay ayaa waxay rafcaan ka qaateen xukunka maxkamadda hoose.
Maxkamadda rafcaanka ayaa iyadu kiiskii soo celisay horraantii sannadkan ka dib markii la sugayay muddo dhawr sano ah. Waxayna sheegtay in Cali Samatar maxkamad la soo taagi karo oo aan la hor istaagi karin inuu hor yimaaddo si dembiyada loo dhegaysto isna isu difaaco.
Shabciga Somalida ee deggan dalka USA ayaa aad u kala jabay oo noqday waxa la odhan jiray reer koonfur iyo reer waqooyi. Taasoo macne qabiil noqotay. Iyadoo arrintu tahay dadkii dhibaatada dagaalkii dawladda Somaliya kula jirtay sanadihii 1988 - 1991 oo dhinac ah iyo Somali inteeda kale oo dhinac ah.
Sababaha ay mar labaad Somaliyi isaga raacday dadka Somaliland dega ayaa waxay la yaab ku noqotay shacbiga oo is lahaa 50,000 inta ka badan ee qof ee dhintay ayaa waxay heli cid masuuliyaddeeda dusha looga saaro
Qareenada Cali Samatar oo ka naxsan in maxkamaddu bilaabi doonto dacwadda yaa waxay rafcaan u dirteen maxkamadda ugu sareysa dalka USA ee loo yaqaan Supreme Court. Waxa khubaradu sheegaysaa in aanay maxkamadda sare wakhti u helin kiiska noocan oo kale ah oo ay hor yaallaan kumannaan kiis oo kale oo ka muhiimsani. Hase yeeshee jawaabtooda la sugu doono muddo sanado ah. Cali Samtar oo hadda deggan gobolka Virginia ayaa ah qof da'ahaan aad u weyn lagana yaabo inuu xilligaas ka hor tiisu timaaddo oo uu dhinto.
Waxa arrintan Somalida sii kala fogaysay dawladda Sheekh Shariif oo soo fara gelisay. Waxana la sheegay inuu Sheekha laftiisu telefon u soo diray Cali Samatar una ballan qqaday in maamulkiisu "Wax kasta u qabanayo oo arrintan lagaga hortago."
Waa yaabe godobka ay reer Somaliland ka galeen Sheekha iyo Somalida koonfureed maxay tahay? miyaanay ogayn in dadkiisu ay ka buuxaan suuqyada Somaliland oo magangelyo la siiyay? Maxaa kellifay inay Somaliyi marlabaad isugu tagto reer Somaliland oo qaarna afka Cali Samatar ku difaacaan kuwo kalena lacag qareenno loogu qabto u ururiyaan.
Cadaawadda ayaa si cad uga muuqatay maanta mar uu Sheekh Sharif waraysi siiyay idaacadda afka Somaliga ee BBCda. Mar wax laga weydiiyay arrimaha Somaliland ayaa wuxuu sheekhu yidhi, "...dad badan baa wax tabanaya oo Soomaali oo dhan dhibbaa soo gaadhay ee waxa loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo.." Waxana cad in sheekhu u jeedo inay dhibku u gaar ahayn Somaliland ee ay Somaliyi dagaalka ku hoobatay.
Ma xuma, hase yeeshee Sheekha oo aqoontiisu gaaban tahay wuxuu illaabay in shacbiga Somaliland ay dawlad dagaal ku qaadday (State Sponsored Genocide). Xasuuq dawlad ay awooddeeda ciidan, maaliyadeed, diblomasiyadeed, iyo maamulba ay go'aan ku gaadhay in diyaarado lagu rusheeyo, shabciga guryaha laga baxo oo xitaa ay ku badbaadi waayaan caasimadda dalka oo ay dalkooda hooyo ku noqdaan waxa loo yaqaan second citizen. Iyadoo qabiil lagu soocayo.
Sheekhu wuxuu is barbar dhigayaa dagaalada beeleed ee Somalida weligeedba dhex mari jirtay illaa haddana taagan iyo dawlad dadkeeda xasuuqaysa.
Sheekhu Cali Samatar ayuu ka doortay shacbiga somaliland oo u harraadan in dadka la gumaaday luxudka si ay ugu ledaan ay helaan caddaalad iyo cid masuuliyadda qaadata. Mustaqbalkana noqota arrin laga caago oo haddii cid maanta loo qabto berri aanu ninkale ku dhicin.
Waxase is weydiin leh, dawladda Siilaanyo ee soo socotaa, maxay ka qaban doontaa? Waayo waa caddaan in maamulka Dahir Rayaale aanu diyaar u ahayn inuu isku furfuro arrintan sababo shakhsiyadeed ama beeleed aawadeed.
Doorashada madaxweyn ee Somaliland ee soo socotaa, ma laga yaabaa inay wax ka beddesho arrintan?
No comments:
Post a Comment