Wednesday, March 3, 2010

Dacwadda Cali Samatar iyo Saamaynta ay Somalida ku leedahay

Fikirka Xorta ah - Muddo badan ayaa dacwad ka dhan ah Sarreeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo sita darajada ugu sarreysa ciidanka Somaliya, in badana ahaa Madaxweyne Xigeen iyo Wasiirka Gaashaan Dhigga ugu dambayntiina hayay jago Ra'iisal Wasaare ayaa waxay muddo lix sano ah ka socotay dalka Maraykanka.

Nuxurka dacwadda ayaa waxay tahay mid ay shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland oo ama dadkoodii la laayay ama ay iyaga dhibaato gaar ahi ka soo gaadhay ay maxkamaddaha dalka USA oo cid kasta u furan ay ka codsadeen in magdhaw Cali Samatar lagu xukumo dhibka ay sheeganayaan daraaddeed.

Dhawrkan qof ee dacwadda soo oogay oo kaashanaya hayad madax bannaan oo qareenno u dooda dadka jidh dilka dalkoodii loogu soo geystay oo loo yaqaan Center for Justice and Accountability ayaa waxa maxkamadda hoose ee Magaalada Washington DC. ee Caasimadda Maraykanka hordhigeen dacwaddaas sanadkii 2004.

Dacwaddan ayaa maxkamaddu waxay saartay hakin laba sanadood ah si bal ay u hubiso in Sarkaal Sare oo magaca dalkiisa ku fuliyay ficilo ka dhan ah xuquuqda aadanaha maxkamadaha dalka USA ay awood u leeyihiin inay dhegeystaan, go'aanna ka gaadhaan iyo in kale. Waxa kale oo ay maxkamada hoose ee DC. ka codsatay in ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka USA soo dhexgasho oo ay talo ka siiso, mar haddii ay wasaaraddaasi tahay mid danta dalkooda ka shaqaysa.

Sanadkii 2006 ayaa maxkamadda hoose ee DC. laashay kiiskii lagu soo oogay Cali Samatar iyadoo sabab uga dhigtay go'aankeeda qodobada doodda ah ee qareenada Cali Samatar oo iyagu ku andacooday in xeerka FSIA (Foreign Sovereign Immunity Act of 1976) qorayo in aan sarkaal dal kale hawshiisa fulinayay aan maxkamad la soo taagi karin.

Kooxda ashkatada wadda ayaa iyagu markiiba rafcaanka qaatay oo maxkamadda rafcaanka ka codsaday in kiiskooda la dhegeysto. Sababtoo ah waxay sheegeen in sharciga kiiskooda lagu tuuray aanu khusayn Cali Samatar isla markaana sharci kale oo dheeraad ah oo loo yaqaan Torture Victims Protection ACT uu yahay ka la tiigsanayaan.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2009 ayaa Maxkamadda Rafcaanka dalka USA qaybteeda afraad ee DC ay dib u celisay dacwadda iyadoo ogoolaatay in Cali Samatar maxkamad la soo taagi karo sharciga FSIA aanu khusayn isaga.

Qareenada Cali Samatar ayaa waxay markiiba rafcaan ka qaateen xukunkaas. Waxanay Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka (US Supreme Court) oggolaatay inay dhegaysato kiiskan. Haddaba dacwaddani waxay anfariir ku ridday dawlado badan oo shisheeye oo ka cabsi qaba in madaxdooda hadhow maxkamad lagu soo taago dalka USA. Waxanay dalalkaasi bilaabeen inay qareenno badan maxkamadda u qabsadaan oo qoraallo kiiska lagaga soo horjeedo ku qarqiyaan Maxkamadda Sare.

Dalalkaas waxa ka mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya, haydaha Jewish ka ama Yuhuudda ah ee danta Isreal ka shaqeeya, iyo madax hore oo dalka Maraykanka ka soo shaqayn jirtay isla markaana ka cabsi qaba in iyaga sidan oo kale loo dacweeyo.

Maxkamadda oo Maalinta Arbacada ee Bisha March 3, 2010 lagu dhegeystay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka USA ee Magaalada Washington DC. ayaa waxa ay Somalida deggan dalka Maraykanku toddobaadyadii la soo dhaafay oo dhan ay wadeen shirar xoolo uruurin iyo taageero ah oo ay kaga soo horjeedaan kiiska Cali Samatar. (Halkan ka akhri transcript ka maxkamadda)

Waxa Gobolka Minnesota ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay xaflad aad u ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen dad badan oo gobolkaas deggen. Waxana dadkii halkaa ka hadlay ee Cali Samatar taageerayay ka mid ahaa Saado Cali Warsame oo aad ugu dheeraatay sida ay uga soo horjeeddo. Daawo Sawirada.

Waxa kale oo shir lagu qabtay Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio oo sidoo kale si culus loo taageeray dacwadda Cali Samatar. Daawo Sawirada.

Maxkamadda Sare ayaa la filayaa inay toddobaadyo ama bilo ay ku qaadato inay go'aan ka gaadho su'aasha hortaalla ee ah in "Shakhsi Madax Sare ka soo ahaan jiray Dal kale maxkamad lagu soo taagi karo dalka USA marka uu xilka ka dego muddo ka dib iyo in kale"

Haddii ay Maxkamadda Sare ee USA ku jawaabto haa waa la dacweyn karaa waxay noqonaysaa mid qoto dheeraata Somalida hadda qolooyinka u kala jabsan ee Somaliland iyo Somaliya u kala fadhida ay marka kiiska la bilaabo ee gudaha loo galo wixii dhib la geystay iyo dadkii la laayay murankoodu sii xoogaysto. Isla markaana ficiltan xoog leh geli doona.

Sidoo kale haddii ay Maxkamadda Sare go'aankeeda aqbalaadda ahi wuxuu cabsi ku abuurayaa dalal badan oo madaxdoodu geysato jidh dil iyo xad gudub xuquuqda aadanaha. Waana ta ay ka dagaalamayaan.

Haddii ayse Maxkamadda Sare ee USA diiddo oo ku go'aansato in aan cid dal kale madax ka ahaan jirtay dalka USA maxkamad lagu soo taagi karin. Taasi waxay niyad jab ku tahay hayadaha faraha badan ee u dooda xuquuqda aadanaha oo si weyn iyaguna u sugaya kiiska Cali Samatar oo la filayo inuu noqdo dariiq ay kaga hortagaan waxyaabaha ay u arkaan jidhdilka iyo tacadiga adduunka dacaladiisa ka dhaca.

Dacwaddan oo kooxo kala duwani taageerayaan, ayaa sidoo kale dawladdii Cabdillahi Yusuf ee Embagathi iyo Ta Sheekh Sharif ba warqad ay ku taageerayaan u qoreen Cali Samatar oo ay Dawladda Maraykanka kaga codsanayaan in dacwadda la tuuro. Hase yeeshee Dalka USA oo aan aqoon sanayn cid Somali metesha dawladdii Siyaad Barre dabeed ayaa diiday inay soo dhex gasho arrintan. Waxa isaguna qoraal ka dhan ah Cali Samatar isla markaana lagu taageerayo dadka dacweynaya soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdillahi Maxamed Ducaale.

Cali Samatar iyo shakhsi kasta oo dalka Maraykanka deggani waxay xaq u leeyihiin in haddii la soo dacweeyo ay is difaaci karaan. Isla markaana weydiisan kara in lagu soo caddeeyo wixii loo haysto. Midda kale dacwaddina maaha mid criminal ah ee waa mid civil ah ama medeni ah oo magdhaw keliya la rabo isla markaana haddii lagu helo aanu Sareeye Gaas Cali Samatar aanu xabsi ku geli karin.

Su'aasha meesha taallaa, Somali inteeda kale ee deggan dalka Maraykanka marka laga reebo reer Somaliland, waa maxay sababta ay Cali Samatar u taageerayaan hadduu xaq u leeyahay inuu isdifaaco oo aan cidla laga helin? Colaadda gaarka ah ee qudbadaha shirarka qaarkood ka muuqataa miyaanay ahayn mid dadka sii kala fogaynaysa? Haddiise aan ciddii hore wax u geysatay sharciga lala tiigsan, miyay joogsanaysaa dhagarta laga gelayo shacbi aan waxba galabsan?

Cali Samatar waa madaxa ugu sarreeya ee dawlad adduunku u aqoonsanyahay in ay dhib dad shacbi ah u geysatay waana mid habboon in lagula xisaabtamo. Ma habboona in qabiil loo rogo, ciddii ka cabsi qabta in iyagana waddo ku furanto ha iska difaacaan haddii ay dembi hore u galeen. Haddiise aanu qofna waxba galabsan, wuxuu u cabsadaa waa gardarro.
Bal aan aragno waxay ku dambayso-





Halkan ka daawo warbixinta Barnaamijka 20/20 ee ABC Television