Tuesday, October 28, 2008

TAARIIKH LA YAAB LEH: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia oo maanta barlamaanka KMG ah shir guddoon u noqday ajendahana gacanta ku hayay!

Fikirka Xorta ah - October 2004 Afar sano ayaa laga joogaa maalintii Cabdilahi Yusuf loo magacaabay Madaxweynaha KuMeel Gaadhka ah. Waxa sanadahaas dhacay isbeddel weyn oo aan la qiyaasi karin.

Waa taariikh la xuso oo saamayn ku yeelan doonta nolosha Somalida Geeska Afrika deggan. Waxanay tahay mid daba socota muddo laba sano ka hor markii DKMG ahi ciidamada Ethiopia u oggolaatay inay xoog ku soo galaan dalka Somaliya.

Waxay ahayd mid uu col. Cabdilahi Yusuf khasab barlamaankiisa kaga dhigay in ciidamada Ethiopia yimaaddaan dalka loo igmaday ee Somalia. Isagoo og cadaawadda soo jireenka ah ee Somalida iyo Amxaarada qarniyo ka dhexeysay. Isagoo og caadifadda dadka Somalidu halkay gaadhay oo markii hore xitaa barlamaankiisu gacanta isula tegay markii arrintani dhex timi.

Ayaa lagu dirqiyay in Barlamaanka Baydhabo fadhiya ay ku dhawaaaan in Ethiopia ciidamdeedu Somaliya yimaaaddaan.. Waxa kala qaybsamay xubnihii meesha joogay iyagoo qaarkood ku biiray mucaaradka fadhiisinkoodu yahay dalka Eritrea.

Iyadoo la ogyahay dhibka ay ciidmadaasi shacabka Somalida u geysteen ayaa maanta ay dhacday qiso la yaab leh.

Waxa loo yeedhay dhammaan xubnaha Barlamaanka Ku Meel Gaadhka ah, Col. Cabdilahi Yusuf, iyo Nuur Cadde. Waxa lagu shiriyay maglaada Nairobi. Waxa shirka qabtay oo magaca IGAD ku hoggaaminayay waa dawladda Ethiopia.

Haddaba waxa beryhanba ay dawladda Ethiopia shaacinaysay waxay ugu yeedhay, "inaanay ku faraxsanayn habka ay hoggaanka sare ee KMG ahi ay waddanka u maamulayaan.", Iyagoo u jeeda in aanay rabin in Col. Cabdillahi Yusuf meesha sii joogo. Waxay caddeeyeen in aanay Somaliya nabadgelyo xumi ka jirin ee uu maamul xumo ka jiro.

Iyagoo taa ka tixraacaya isla markaana ay muuqato inay awoodda gacanta ku hayaan, ayaa waxa maanta markhaati loo ahaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Seyoum Mefsin shir guddoon ka noqado ajandahana u qabto barlamaan dal madax bannaan. Isagoo weliba soo xulay ama oggolaaday cidda hadlaysa iyo cidda aan hadlayn.

Si kasta oo barlamaan ama ay dawladi maqaarsaar u tahay, lama arag dal sidan oo kale loogu amar ku taagleeyo. Taasi waxay ku tusaysaa in ay laba arrimood xaqiiq yihiin:

1. Barlamaanka Iyo dawladda DKMG ee afarta sano sheeganaysay inay yihiin dad madax bannaan oo dal maamula inay caddaatay inaanay ahayn sidaas ee ay tahay kuwo la yidhaa Shimbirayahow Heesa markii la doono.

2. Dawladaha dunidu waxay aaminsanyihiin in Ethiopia tahay dalka Geeska Africa ugu xoogga badan oo markaa faraha looga qaado sidii ay u maamulan lahayd ama la siiyay mashruuca dib u dejinta Somaliya oo ay siday doonto ka yeesho.

Waxa nasiib darro ah in Cabdilahi Yusuf oo nabsi badan iyo godob soo jiitay oo cadawgii Somaliya dad aan waxba galabsan ku garaacay, in uu maanta sidii xanjo macaankii laga dhamaystay oo la tufay noqday.

Markii uu maanta ka cadhooday shirka oo marka hore inta isaga albaabada loo xidhay muddo saacado ah lagula hadlayay ayay caddaatay inuu magac u yaal ahaa oo ay Ethiopia ka gaadhay ujeeddadii ay lahayd.

Waxana ay tani tahay sharaf dhac in Somali maanta mar labaad Ethiopia ku tuuntuunsato. Iyadoo la sheegay in Col. Cabdillahi Yusuf hadda damacsan yahay midda qudha ah ee u bannaan oo ah:

In ay Puntland ku dhawaaqdo dal madax bannaan oo ka goostay Somaliya inteedii kale. Fikraddaas oo beryahanba la sheegay in isaga iyo Cadde Muuse ay go'aankeeda ka hadlayeen.

Ma filaysaa in la soo gaadhay xilligay Somaliland arrimaha Somaliya wax ka qaban lahayd?

Fikirka Xorta ah - Waxa in badan soo jirtay siyaasad guud oo dalka Somaliland lagu dhaqo oo ah, "Arrimaha deriska yaan la faragelin ee ha la is ilaaliyo". Maaha mid fikir dheer iyo falan qayn ka dhalatay, laakiin waxay ka timi is badbaadin shacabku ku dhiiradeen dawladdana lagu khasbay inay doonista shacabka raacdo.

Laakiin isbeddelka ka dhacaya gobolka awgeed, ma laga yaabaa inay dani ugu jirto in Somaliland ay arrimaha Somaliya fara geliso oo si toos ah wax uga qabato? Dani ma ugu jirtaa Maxaase ka soo gaadhi kara? Hadday damacdo inay dhexgasho maxaa ku habboon inay qabato am dhinacee bay ka bilaabi kartaa?

In badan baan aaminsanaa in arrinta gobolka nabadgelyo laga helayo haddii la is uruuriyo oo iridaha xuduudda la adkeeyo. Waxay ahayd rayi soo shaqeeyey oo badbaadiyay dalka. Waa mid weli ay dad badani aaminsan yihiin. Laakiin markaad eegto siyaasadda cakiran ee Somaliya ee i jiid aan ku jiidee ku salaysan. Markaad u fiirsato in dawladda Somaliland ay ku egtahay arrimaha gudaha oo aanay aragti dhaafsan, "Nimankaa walaalahayo ha heshiiyaan, annagana hana daayaan", mooyee inaanay istaraatijiyad kale hayn. Taasoo aan haba yaraatee waxba ka beddelin aqoonsiga Somaliland. Malaha waxa habboon in Somaliland ay tallaabo toos ah qaaddo.

Waan garan karnaa in marka hore la furo dood ku saabsan saamaynta ay yeelan karto faragelin toos ahi. Waa mid la shaandhayn karo dadkuna u leeyahay garasho lagu gorfeeyo. Waxase jirta in wakhtigu yahay cidhiidhi ah.

Waxad aragtaa in maamulkii lagu soo dhisay Nairobi ee TFG wakhtigiisu gabaabsi yahay. Oo dawladda Ethiopia iyo kuwa kale ee taageeri jiray ay ku hadaaqayaan in Cabdilahi Yusuf la beddelo, barlamaankuna soo doorto madaxweyne iyo dawlad hore leh oo wakhti dheeraad ah loo kordhiyay. Inkastoo aan lagu dhawaaqin haddana waa sida ay u badan tahay.

Waxad aragtaa in shirka Djibouti yahay mid cakiran oo maalin walba warqad yar lagu saxeexo oo aan ilko lagu socodsiiyo lahayn. Arrintuna ay ka gurracan tahay laba dhinac oo hotel isa soo hor fadhiista oon awoodda ay sheeganayaan iyo cidday metelaan toona aanay jirin.

Haddaba sidii Madaxweyne Cigaal, (AHN), uu ku dhawaaqay sannadkii 2000 intaanu Ismacil Cumar Geelle kala hoos bixin, miyaanay habboonayn in maamulka Somaliland ee soo socdaa doorashada dabadeed uu siyaasadda dalka ee gobolka ku wajahan jiho kale u dhaqaajiyo?

Waxay xaqiiqadu tahay in Somaliland kuwa maanta gacanta ku hayaa iyo shacbiga badan kiisuba aanay weli u bislayn culays intaa le'eg oo khatar tiisa leh. Waxase hoggaanka geesinimada lihi sameeyaa arrin aan hore looga baran oo maskax, muruq iyo maalba loo huray si hore halkan looga maro. Oo bal dadkahinic uun loo dhaqaajiyo.

Waxay aqoon yahan badani saadaaliyaan xaaladda dalka iyo guud ahaan gobolka. Waxana hadda cad in ay badan koodu isku raacsan yihiin in la soo gaadhay sidii khatarta qaxootiga faraha badan ee daka ku sugan oo dhaqankii dalka iyo dhaqaalihiiba miisaan ku haya loogu celin lahaa dalkoodii Somaliya.

Waxana talo fiican ah in madaxda dambe ee Somalililand oo lug ku yeesha siyaasadda gudaha ee Somaliya ay tahay mid hagaajin karta jaaniska ay Somaliland aqoonsi ku heli lahayd. Deggenaansho ku gaadhi lahayd. Iyagoo laba maamul oo isfahamsani si wadajir ah ama isku mid ah looga wada shaqayn karo ciddii cadaw guud ah ee labada dal degenaanshahooda halis gelin kara.

Haddaba maamulka dambe waa inuu u sameeyo ama magacaabaa guddi aqoon fiican u leh oo isku dhafan oo arrintan talo degdeg ah ka soo jeedisa. Waxana weliba ka si fiican in uu u qabto inay muddo bil ah fikir cusub ku keenaan.

Haddii kale, magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, haddii aay xitaa nabadda maantu tahay mid sidan ku socota, waxa degenaan shahooda halis gelin kara, marka wax kale laga yimaaddo, culayska dheeraadka ah ee ay dadka qaxootiga ahi ku hayaan. Taasoo sidaad qoraalkan Qaramada Midoobay ka ragto (halkan booqo) ay ku soo qulqulayaan kumannaan kale oo ka soo firxaday colaadda dalkooda ka taaga. Waxana hubaal ah in cadaw badani ku soo dhex dhuuman karo. Gilgili karona dalkan la dhadhabayo ee aan weli xiddidada adkaysan.

Markaa waxa soo socda in la garto oo aragti dheeraad ah iyo fikir cusub la keeno waa mid laga filayo maamulka dambe ee Somaliland.

Maxay kula tahay? Bal aragtidaada cabbir?

Sunday, October 26, 2008

EU may arrest other Kradzic like war criminals if French's pledge materializes


Fikirka Xora ah (USA) - The news for the arrest of the notorious mass murderer, the architect of Sreprenica genocide and ultra nationalist Mr. Kradzic has brought some sort of comfort to many still waiting justice Bosnians.

Some of them have already given up the idea that European led justice system would have the strength to muscle Serbia to give up Kradzic. But the condition to force Serbia to cough up Kradzic or forget about joining the European Union has proven to be difficult choice for Belgrade leadership.

After seeing how other former Eastern Block states economic situation has changed dramatically upon becoming EU members, the new pragmatic Serbian government has realized the need to change course and have chosen to be part of the new world. It was reported that as soon as he is sworn, the new prime minister has ordered the arrest of Kradzic and others that were accused of crimes and wanted by the Hague.

A senior Serbian officer close to the Prime Minister's Office that wished not to be identified confirmed to the media the main reason behind the government's quick action to arrest Kradzik is to be their desire to improve relations with Europe and pave the way for talks of future EU membership.

He said that his government has seeing how some of his neighboring countries are already more prosperous with access to not only rich markets and purchasing powers, but their unemployed citizens found jobs and generated income. Thus, he said, "that increased revenues for these countries to invest social programs such as health care, education and infrastructure." Well, then the choice was obvious; Kradzic is not worth the trouble of loosing all those economic incentives.

Some news organizations have also speculated that to soften its image, Belgrade would like the world to see it as a moderate emerging democracy, contrary to the hardliner predecessors, in order to boost the diplomatic credit. Their efforts to gain more respect and heal the past may have also influenced the government's decision to extradite Mr. Kradzic.

The world has accused Serbia for harboring many war crime fugitives and the arrest of Kradzic is a step forward. But if Belgrade wants to improve relations with the Muslim world, it must round up the other high profile Bosnian war crimes officials that are hiding in its backyard.

The Kradzic's arrest has reminded Somalis their war criminals at large. "Each time news about war crimes is in the headlines", said a Somali expatriate living in USA sighting the Kradzic's arrest, " I'm reminded how oblivious my people are about the need to bring justice to the heads of the regime that killed thousands of innocent people ." He explained his believes that how Somali people will never get stability until they deal with the question of war crimes.

"I'm not convinced that Somali people will ever trust each other and can even have an honest dialogue about their future as long as some of them are protecting those who had killed thousands of innocent people, there must be a justice for the innocent victims", he added.

The French government vowed to get involved with the 'Somali affairs" by opening human rights and war crimes office in Paris, and to help fight the pirates, this week. This may be a glimpse of hope for millions of Somalis that have, for the last two decades, longed for justice.

President Sarkozy brought new momentum and energy to EU and wants to leave a legacy that actually produces results. Since he is controversial politician that is not satisfied with the diplomacy, business as usual politiking, he may surprise us to help Somalis bring war crimes to long overdue justice. But that is if and only if Somalis are willing to work together to heal the wounds of the past and pave the way for future coexistence.

Will any Somali war criminal ever be hold accountable? Who is a war crime in the eyes of a Somali person? how long would tribes and clan politics protect someone that committed crimes against humanity? What would be acceptable form of dealing with this nightmare?