Fikirka Xorta ah - Waxa in badan soo jirtay siyaasad guud oo dalka Somaliland lagu dhaqo oo ah, "Arrimaha deriska yaan la faragelin ee ha la is ilaaliyo". Maaha mid fikir dheer iyo falan qayn ka dhalatay, laakiin waxay ka timi is badbaadin shacabku ku dhiiradeen dawladdana lagu khasbay inay doonista shacabka raacdo.
Laakiin isbeddelka ka dhacaya gobolka awgeed, ma laga yaabaa inay dani ugu jirto in Somaliland ay arrimaha Somaliya fara geliso oo si toos ah wax uga qabato? Dani ma ugu jirtaa Maxaase ka soo gaadhi kara? Hadday damacdo inay dhexgasho maxaa ku habboon inay qabato am dhinacee bay ka bilaabi kartaa?
In badan baan aaminsanaa in arrinta gobolka nabadgelyo laga helayo haddii la is uruuriyo oo iridaha xuduudda la adkeeyo. Waxay ahayd rayi soo shaqeeyey oo badbaadiyay dalka. Waa mid weli ay dad badani aaminsan yihiin. Laakiin markaad eegto siyaasadda cakiran ee Somaliya ee i jiid aan ku jiidee ku salaysan. Markaad u fiirsato in dawladda Somaliland ay ku egtahay arrimaha gudaha oo aanay aragti dhaafsan, "Nimankaa walaalahayo ha heshiiyaan, annagana hana daayaan", mooyee inaanay istaraatijiyad kale hayn. Taasoo aan haba yaraatee waxba ka beddelin aqoonsiga Somaliland. Malaha waxa habboon in Somaliland ay tallaabo toos ah qaaddo.
Waan garan karnaa in marka hore la furo dood ku saabsan saamaynta ay yeelan karto faragelin toos ahi. Waa mid la shaandhayn karo dadkuna u leeyahay garasho lagu gorfeeyo. Waxase jirta in wakhtigu yahay cidhiidhi ah.
Waxad aragtaa in maamulkii lagu soo dhisay Nairobi ee TFG wakhtigiisu gabaabsi yahay. Oo dawladda Ethiopia iyo kuwa kale ee taageeri jiray ay ku hadaaqayaan in Cabdilahi Yusuf la beddelo, barlamaankuna soo doorto madaxweyne iyo dawlad hore leh oo wakhti dheeraad ah loo kordhiyay. Inkastoo aan lagu dhawaaqin haddana waa sida ay u badan tahay.
Waxad aragtaa in shirka Djibouti yahay mid cakiran oo maalin walba warqad yar lagu saxeexo oo aan ilko lagu socodsiiyo lahayn. Arrintuna ay ka gurracan tahay laba dhinac oo hotel isa soo hor fadhiista oon awoodda ay sheeganayaan iyo cidday metelaan toona aanay jirin.
Haddaba sidii Madaxweyne Cigaal, (AHN), uu ku dhawaaqay sannadkii 2000 intaanu Ismacil Cumar Geelle kala hoos bixin, miyaanay habboonayn in maamulka Somaliland ee soo socdaa doorashada dabadeed uu siyaasadda dalka ee gobolka ku wajahan jiho kale u dhaqaajiyo?
Waxay xaqiiqadu tahay in Somaliland kuwa maanta gacanta ku hayaa iyo shacbiga badan kiisuba aanay weli u bislayn culays intaa le'eg oo khatar tiisa leh. Waxase hoggaanka geesinimada lihi sameeyaa arrin aan hore looga baran oo maskax, muruq iyo maalba loo huray si hore halkan looga maro. Oo bal dadkahinic uun loo dhaqaajiyo.
Waxay aqoon yahan badani saadaaliyaan xaaladda dalka iyo guud ahaan gobolka. Waxana hadda cad in ay badan koodu isku raacsan yihiin in la soo gaadhay sidii khatarta qaxootiga faraha badan ee daka ku sugan oo dhaqankii dalka iyo dhaqaalihiiba miisaan ku haya loogu celin lahaa dalkoodii Somaliya.
Waxana talo fiican ah in madaxda dambe ee Somalililand oo lug ku yeesha siyaasadda gudaha ee Somaliya ay tahay mid hagaajin karta jaaniska ay Somaliland aqoonsi ku heli lahayd. Deggenaansho ku gaadhi lahayd. Iyagoo laba maamul oo isfahamsani si wadajir ah ama isku mid ah looga wada shaqayn karo ciddii cadaw guud ah ee labada dal degenaanshahooda halis gelin kara.
Haddaba maamulka dambe waa inuu u sameeyo ama magacaabaa guddi aqoon fiican u leh oo isku dhafan oo arrintan talo degdeg ah ka soo jeedisa. Waxana weliba ka si fiican in uu u qabto inay muddo bil ah fikir cusub ku keenaan.
Haddii kale, magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, haddii aay xitaa nabadda maantu tahay mid sidan ku socota, waxa degenaan shahooda halis gelin kara, marka wax kale laga yimaaddo, culayska dheeraadka ah ee ay dadka qaxootiga ahi ku hayaan. Taasoo sidaad qoraalkan Qaramada Midoobay ka ragto (
halkan booqo) ay ku soo qulqulayaan kumannaan kale oo ka soo firxaday colaadda dalkooda ka taaga. Waxana hubaal ah in cadaw badani ku soo dhex dhuuman karo. Gilgili karona dalkan la dhadhabayo ee aan weli xiddidada adkaysan.
Markaa waxa soo socda in la garto oo aragti dheeraad ah iyo fikir cusub la keeno waa mid laga filayo maamulka dambe ee Somaliland.
Maxay kula tahay? Bal aragtidaada cabbir?