Showing posts with label Faallo-Somaliland. Show all posts
Showing posts with label Faallo-Somaliland. Show all posts

Tuesday, March 4, 2008

SOMALILAND: ISBEDDEL CULUS OO KU SOO FOOL LEH: QAYBTII 3 AAD

Mr. Buubaa oo la filayo inuu la wareego hoggaanka xisbiga UCID, suurta gal ma tahay, maxaa ka jira?
Dhallin mawjad ah oo ku qulqulaya siyaassadda Somaliland. Doonista mayorka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland oo lagu batay. Xisbiga Kulmiye oo weli faro maroorsi iyo xodxodasho jiq isku ah.
Rayaale oo xiddiggiisu sarcanayahay calanka aqoonsigana dadka hor lulaya kuna xuuxinaya. Guddida Doorashada Qaranka oo tiradii dadka la il daran. Iyo weliba danaha Maraykanka ee Somaliland.
_______________________________________________________________
Qaybtii 3aad

Xisbiga Kulmiye oo weli faro maroorsi iyo xodxodasho jiq isku ah.

Fikir Xorta ah -Sida laga warqabo xisbiga mucaaradka ee Somaliland ee Kulmiye ayaa u diyaar garoobaya inuu qabsado shirweynihii ay ku dooran lahaayeen madaxda tartanka doorashada madaxweyne iyo ku xigeenkisa uga qaybgeli doonta.

Waxa soo jiitamay oo illaa muddo sanad ah dib u dhacay goortii iyo habkii shirk aloo qaban lahaa. Taasoo ay ugu wacnayd hawlo badan oo ay ka mid tahay is maandhaafka awood qaybsiga xisbiga dhexdiisa.

Waxa arrinta murgiyay waa habka dimoqradiyadda isku dhafan ee ay Somaliland qaadatay inay isku maamusho. Habkan oo ah mid isu keenay dimoqradiyadda reer galbeedka iyo wadaagga beelaha am aardaayada oo la isu miisaamo.

Habkan oo aanu u bixinay, “Dimoqraadiyadda Dhaqamaysan” halka ay reer galbeedku ugu yeedhaan “Hybrid Democratic System”, ayaa kellifay in uu warer keeno.

Waxay siyaasiyiinta qaarkood aaminsan yihiin inay arrin beeleed ku mcaashayaan, halka ay kuwo kale ku qanacsan yihiin inay cod dheeri wax ku helayaan.

Si kastaba ha ahaatee fara maroojis, is jiidasho, kala xanaaq, iyo isu soo noqosho dabadeed waxa Xisbiga Kulmiye ugu dambayntii laga yaabaa inuu bishan Marso dhammadkeeda uu shir u qabsoomo.

Dad badan baa qaba in xisbigu iska lumiyay wakhti badan oo ay olole qaran ku geli lahaayeen. Nin lagu magacaabo Yasin Cabdilahi Ahmed oo ka mid ahaa dadka fikraddooda website yada ka dhiibtay ayaa isagoo afka ingiisiga ku qoray ku sheegay, “In ay wax waliba ku xidhnaan doonaan sida ay 500 ee xubnaha shirku ay u doortaan su’aasha cakiran ee ah sida hoggaanka fulinta iyo golaha dhexe loo dooranayo”.

Waan midda in badan hortaagnayd horumarka xisbiga sidii awoodda golaha dhexe, fulinta ama musharaxiinta loogu qoondayn lahaa beelaha kala duwan ee reer Somaliland. Iyadoo la eegayo saamaynta uu go’aan waliba ku yeelan karo mustaqbalka dadka iyo dalka.

Haddaba taagerayaasha xisbiga oo aanu wax k aweydiinay ayaa iyagoo ku kalsoon sheegay in rajada isku duubnida Kulmiye uu manta meel fiican marayo shirkuna qabsomi doona.

Hase yeeshee dhinaca ka soo hojeeda oo isbadiya in aan hoggaankoodu madmadow lahayn ku murmayaan in Kulmiye uu lug halis ah ku taagan yahay iska horimaadna ka dhici karo.

Si kastaba ha ahaatee waxanu sugnaa waa qabashada shirweyanaha Xisbiga Kulmiye ee la rajaynayo inuu dhaco bishan dhamaadkeeda.

_______________________________________________________________
Qaybtii 2aad

Dhallinta mawjad ah oo ku qulqulaya siyaasadda Somaliland. Doonista Mayorka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland lagu batay.

Fikirka Xorta ah - Waxa soo kordhaya dhallinta dibadda ku nool ee ku hamiyaysa inay siyaasadda dalka iyo hoggaanka Somaliland ka qayb qaataan. Waxa dhawaan dhici doona doorashada golaha degaanka iyo ta madaxweynaha. Waxana dadka inta badan doonayaan inay ka qayb galaan golaha degaanka caasimadda iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ee dalka.

Dhallintan oo u badan jiilka iyagoo dhallin yaro ah oo uu dagaalkii ku dhacay iyagoon aan weli bilaabin shaqooyin muhiim ah amaba aan dhammaysan waxbarashadii sare ee ay ku jireen.Waxay leeyihiin damac dheer oo wax hor istaagayaa aanay arkayn.

Hammigan oo ay horseed ka tahay waayo aragnimada ay ka barteen dalalka dibadda ee ay ku noolaayeen intii la soo qaxay. Iyagoo wax ka bartay, ka shaqaystay, kana helay waayo aragnimo dhinacyo badan taabanaya.

Qaarkood waxay nasiib u yeesheen inay ganacsi galaan oo dhaqaale uruursi ay helaan. Taasoo kordhisay damaca siyaasadeed ee ay leeyihiin.

Dhallintan oo rag u badan oo aanay qof dumar ahi illaa hadda ku jirin ama soo shaac bixin, marka laga reebo Khadija X. Bandare oo iyadu dalka ku nool damacsanna sida lagu soo waramayo inay ka qayb qaadato tartanka Mayorka caasimadda, ayaa la filayaa inay dhiggooda siyaasiyiinta gudaha dalka ku nool iska horimaad ka dhaco.

Tusaale ahaan, waxa wararku sheegayaan inay illaa 8 ama 9 musharrax hoosta uga diyaar garoobayaan oloohooda ku aaddan siday u hanan lahaayeen jagada Duqa Caasimadda ee Hargeysa.

Haddaba faraqa labadan kooxood ee qaar dibadda ka soo duuleen kuwana u haysta inay "u soo cabbeen ---" oo ay xaq u leeyihiin inay siyaadda majaraha u hayaan sidee la isugu soo dhawayn karaa?

Fadlan rayigaaga noo soo dir.
_______________________________________________________________
Qaybtii 1aad

Ismaaciil Buubaa:

Fikirka Xorta ah - Runtii way adagtahay in si fudud loo garto in cidina diyaar u tahay. Iyadooy ugu wacan tahay in markooda hore aanay jirin siyaasad is raacsan ama hoggaan uu wada tashi ka dhexeeyo.

Madaxweyne Rayale iyo dawladdiisu waxay ku qanacsan yihiin in la doortay isla markaana aanay cid kale la wadaagin maamulka dalka. Waxay illaabeen in kalsoonida shacabku uu badh siiyay mucaaridka oo ay talada iyo mustaqbalka dalka wax ku leeyihiin.

Waxay dawladdu iska indha tirtaa in ay xisbiyada ama haydaha tiirarka u ah siyaasaddu yahay wada xaajood ka dhexeeya xisbiyada iyo hoggaankooda. Mucaaridku waxay ku hungoobeen inay qiimeeyaan ama ixtiraam iyo sharaf siiyaan magaca dawladnimo. Waxay ku ceeboobeen in ay xafiiska madaxweynaha oo laga yaabo inay berri ku fadhiistaan la ciseeyo.

Waxana halka ay dawladda iyo siyaasadeeda dhaleecayn u soo jeedin lahaayeen ay kaga dhegtay shakhsi yasid, magic ugu yeedhid iyo aflagaaddo. Tusaale ahaan halkii laga hadli laha hawlaha ay dawladdu ku khasaartay in la yidhaa, "Ina Rayaale” ayaa sidan iyo sidaas ah.

Taasi waxay keentay in hayadihii dalka ee xisbiyadu ka midka ahaayeen baylah noqdaan. Waana ta maanta keliftay in xisbiyada dalka ee saddexda ah ee dastuurku qorayo noqdaan kuwo magac uun u taagan. Waxana dhacda in mararka qaarkood ay qabiilo gaar ahi sheegtaan. Ama waxad maqlaysaa, “xisbigaa reer hebel baa iska leh”. Akhriste marna ma isweydiisay sababta saddex xisbi loogu soo koobay siyaasadda dalka?

Waa in laga ilaaliyo qabyaalad oo ay noqdaan hayado dastuuri ah oo u dhexeeya dhammaan muwaadin kasta oo raaca mabaadiida kay jeclaadaan. Iyadoo aan loo diidi Karin inay ku tartamaan kana mid noqdaan madaxda xisbiga ay doortaan. Waxay markaa ku siinaysaa in aan cidna xisbi gaar ah sheegan Karin. Qofkii sheegtaana uu xaaraan yahay. Muwaadin kastaana uu sharci ahaan kula doodi karo shakhsigii ka xigsada.

Haddaba oggolaanshaha muwaadin kasta oo u dhashay isagoo ka faa’idaysanaya ayaa waxa beryahan soo baxaya warar tibaaxaya in Ismaaciil Buubaa oo ah siyaasi ka soo jeeda Somaliland hase yeeshee raacsan fikradda Somaliya uu danaynayo inuu siyaasadda Somaliland ku soo biro xilligan.

Lama hubo sababta dhabta ah welina muu shaacin, laakiin wararka sirdoonku waxay soo sheegayaan inuu arkay in ay Muqdishu iyo siyaasadii Somaliya god dheer ku sii socoto, aqoonsiga Somaliland uu dal ahaan goonni isugu taagayana mid maalinba soo kordhaysa u muuqato.

Waraysi uu todoobaadkan siiyay wargeysa Geeska ayaa wuxuu Ismaaciil Buubaa si dadban ugu sheegay in uu aaminsan yahay in Somaliland ay ku socoto dariiqii aqoonsiga. Waxanad mooddaa inuu isu diyaaarinayo sidii uu qayb libaax uga heli lahaa.

Waxa la soo werinayaa oo dad ku dhawdhaw isaga iyo xisbiga mucaaradka ee UCID in ay waanwaan xoog lihi u socoto. Iyadoo lagula taliyay inuu saxaafadda ku faafiyo ammaanta Somaliland. Inuu ka toobbad keeno ka soo horjeedkii goonni isu taagga Somaliland. Inuu hantida faha badan ee uu uruursaday ku mashaqeeyo dadka baahan ee Somaliland ku sugan.

Dabadeedna ka qayb qaato dawladda dambe ee la dhisi doono doorashada dabadeed. Sidoo kale warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ismaaciil Buubaa iyo Madaxweyne Dahir Rayaale ay dad isaga dab qaadayaan. Inkastoo aanay weli ku heshiin arrimo dhawr ah oo, haddana waxa lau warramayaa inay aad isugu so dhawaadeen beryahan.

Dadka reer Somaliland waa dad calool furan si fududna wax u cafiya. Waxa ka markhaati ah kumanaanka dambiile ee haddana dalka ku sugan. Iyadoo madaxda dalka qaarkood lagu eedeeyo inay dambiilayaal dagaal yihiin oo xasuuqii si toos ah iyo dad badanba uga qayb qaateen.
Haddaba siyaasadda Somaliland muxuu Ismaaciil buubaa ku soo kordhin karaa? Mar hadduu yahay siyaasi isbeddel badan, ma lagu aamini karaa kursi sir siyaasadeed oo kalsoonida shacabka haysta? Waa su’aal muhiim ah oo u baahan in ay aqoonyahanka seetada dalka wax ku lihi ka doodaan.

Dhinace Kale:

Ismacil Hurre Buubaa waa khabiir ruug caddaa ku ah siyaasadda Somalida oo dhinacyo badan oo heerar badan ka soo maray. Waa aqoonyahan xidhiidh fiican la leh waddamada carabta gaar ahaan dalka Sacuudi Carabiya. Waa siyaasi u dhuun daloola habka sirdoonka ee reer galbeedka oo xidhiidh fiican la leh madax kala duwan. Markaa ma la odhan karaa wuxuu damacsan yahay cidina ma qiyaasi karto?

Jawaabtu waa mid ku xidhan daba galka taariikhdiisa wixii uu soo qabtay. Kolba go'aanada uu gaadhay iyo tallaabooyinka uu qaaday ka hor intaanu ku kicin. Waxa in badan muuqata inuu dadka uu ka dhashay ee reer Somaliland la leeyahay xidhiidh ka wanaagsan ta ay kuwa isaga la fikradda ah e Somaliweyn aminsani ay leeyihiin.

Wuxuu had iyo jeer isku dayaa inuu caawiyo kolba qofkii u yimaadda. Haddana waa nin ku dheer dhaqaale urursiga oo aan shilinna dhaafin. Hase yeeshee quudha oo bixiya marka la soo martiyo. Wuxuu ku caan yahay inuu lacag badan ku khasiro dadka isaga raacsan ama kasbado kuwo cusub. Waxana guryaha uu Nairobi, Kenya ka deggenaa xilligii Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Col. Cabdullahi Yusuf la dooranayay ku sugnaa kuna noolaa dad aad u badan oo qaxooti ah.

Imaanshaha la saadalinayo inu Somaliland booqdo ama siyaaadeeda ka mid noqdaa waa mid dhicis ah oo aan dhamaystirnayn. Waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimo fara badan inta aan meel lagu tilmaamin. Sida ay raadka taariikheed ee uu illaa hadda soo maray ka markhaati yahay, Ismaaciil Buubaa ma damacsana Somaliland oo keliya inuu xukumo ama taladeeda ka qayb qaato. Hase yeeshee waxay u egtahay xarun uu ka duulo oo uu ku meel mariyo damaciisa siyaasadeed ee ah inuu Soomaaliya Ra'iisal Wasaare ka noqdo.

Hammiga iyo damaca Ismaaciil Buubaa waxa si fudud looga dhex arki karaa sida soocan ee uu u doorto jawaabihiisa waraysiyada uu bixiyo oo uu aad u miisaamo. Waxana ugu dambeeyey sida duur xulka ah ee uu ugu jawaabay markii la weydiiyay inuu Somaliland tegayo goorta ku habboon. Waana mid loo fadhiyo lana arki doono siday ku dambayso.