Showing posts with label Kow. Show all posts
Showing posts with label Kow. Show all posts

Wednesday, October 3, 2007

Dagaalka Laas Caanood iyo Doorasha Somaliland


Xurguftan dagaal ee ka soo cusboonatay Laas Caanood sidee bay u saamayn doontaa maamulka Somaliland.

Inkastoo ay dawladda Somaliland ka warwareegtay dagaal lagu qaado maleeshiyada Laas Caanood haysata, hatana waxay ku khasbanaatay in ay difaacdo aagga hore ee ay ciidnakeedu fadhiyaan.

Waxa hore siyaasiyiin badani u soo jeediyeen in xuduudda la soo taabto. Waxayna ahayd dhawaaq siyaasadeed oo aan qorshe wadan. Waxana maamulka Rayaale muujiyay dulqaad iyo samir laga yaabo inuu ama faa'ido keeno ama xaalka sii murgiyo.

Shaki kuma jiro inuu Madaxweynuhu kediskii uu ku tegay Laas Caanood sannadkii 2003 uu ahaa mid aanu ka foojignaan. Waxase arrinta sii adkeeyey markii faraha laga qaaday oo siyaasad ku wejahan bariga Somaliland cidiba soo qaadi wayday. Wuxuna u muuqday dal la dayacay oo kuwa haysta looga tegay.

Haddaba mar haddii maanta Sandulle lagaga dhigay in dagaal la galo. Xilli weliba lagu jiro u diyaar garowga doorashooyinka degaanka iyo ta madaxweynaha oo daba socota, xisbiyada mucaaridka ma u isticmaali doonaan arrin (issue) ay dawladda iinteeda ku muujiyaan? Dawladduse ma tusi kartaa shacbiga inay tahay mid xooggan oo difaaci karta dalka?

Waxa u baahan in la eego waxyaabaha tartanka doorashada lagu geli karo ama noqon kara qodobo qoloba qolada kale ku eryato.
Maxaad u malaynaysaa inay arrimaha muhiimka ee olalaha doorashada lagu geli karaa ay yihiin (Important election campaign issues)?

Maxay qabatay dawladdu intii ay ballan qaadday? Mucaaridku ma dhaami doonaan? Nala wadaag fikirkaaga.

Magan