Fikirka Xorta ah - Dawladda Somaliland ayaa waxay muddo sannad ahba wadday sharci cusub o ay ugu tala gashay in lagu maamulo saxaafadda dalka. Waxa sharcigani yahay mid si aad ah looga dooday. Werwerna ku abuuray shacbiga iyo suxufuyiintaba.
Waxa sharcigan laga soo dheegay iyadoo aan waxba laga beddelin mid laga leeyahay dalka Yemen oo keliya la soo tarjumay. Halkan ka akhri ka Yemen oo dhan http://www.al-bab.com/yemen/gov/off4.htm
Xeerkan Saxaafaddu wuxuu awood dheeraad ah siinayaa maamulka talada haya. Ha ahaado ka maanta jira ama ka berri iman doona. Qodobo badan ayaa waxay dhigayaan in xafiiska Wasiirka Warfaafintu yahay ka keliya ee sharciyan kara suxufiga. Wuxuu dhigayaa inuu wasiirku keliya bixinayo waraaqaha aqoonsiga.
Waxa la yaab leh in qodob kastaa soo koobayo xorriyadda Saxaafadda iyo Suxufi uu u leeyahay qoridda, daabicadda, iyo faafinta warka. Waxa runtii ka dhex muuqda inuu yahay mid awoodda dawladda ballaadhinaya oo xakamaynaya madax bannaanida saxaafadda. (Booqo http://www.somalilandlaw.com/ )
Haddaba maxaa la gudboon dadka ay khusayso ee ay ka midka yihiin Golaha Wakiilada oo sharciga inay ansixiyaan awood u leh? Ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay ilaalinta xorriyadda afkaarta? Ururada ay suxufiyiintu ku bahoobeen waa inay si adag uga dhiidhiyaan si aanu sharcigaasi u suurto gelin.
Waxa jira urur dhallin yaro aqoon yahan qurbo joog ah oo la yidhaa Article 32 oo si tabaruc ah u doonaya inay u caawiyaan suxufiyiinta Somaliland (booqo boggooda http://www.somalilandfreedom.org/). Article 32 ama Qodobka 32 ee Dastuurka Somaliland ayaa muwaadin kasta xaq u siinaya inuu afkaartiisa iyadoo aan la xakamayn siduu doono ugu gudbin karo bulshada inteeda kale.
Qodobkaasi waa kuwa ugu muhiimsan ee bulsho casri ahi maanta ku dhaqanto. Waxana uu yahay aasaaska ummad xor ah oo wada tashan karta, is dhaliili karta, talo wadaagi karta, dabadeedna go'aan dan u ah dalkooda wada qaadan karta.
Haddii la waayo xorriyadda afkaarta, isu imaanshaha, iyo samaynta ururro gaar ah, waxa lumaya xorriyaddii, jiritaankii iyo dadnimadii ay ummadi lahayd. Sidaa daraaddeed looma dulqaadan karo in dawladda hadda maanta joogta iyo midda soo socotaaba ay samayso xeerar xakamaynaya saxaafadda.
Ogsoonow saxaafaddu waa tiir dhexaadka dimoqraadiyadda. Waa miisaanka umadda, waana muraayadda ummadi iska dhex aragto oo iftiimisa dhaliilaha jira, abuurta waddaninimada oo muujisa dal jacaylka iyo ku faanista heerka ay umadi gaadho.
Haddii la waayo saxaafad madax bannaan, waxa lumaya ogaanshaha xaaladda dalku ku suganyahay. Waxa dhacaysa in ay dawlad, shakhsi ama cid gaar ahi ku takri fasho hantida umadda, cabudhiso ciddii ka fikir duwan ama mucaaradda siyaasadeeda. Waxanay keenaysaa inuu dalku u xidhnaado dad gaar ah oo uu noqdo keligi talisnimo aanay cidina ka daba hadli karin.
Haddii aynu maanta oggolaano in la xakameeyo xoriyadda afkaarta iyo saxaafadda waxa ku xigaya in falal xun ay ku kacaan hayadaha awoodda dalka gacanta ku hayaa. In umadda meel mugdi ah lala galo oo dhaqaalaha dalka la lunsado, awooddana lagu takri falo.
Waxa bulshada ku habsanaya dib u dhac dhinaca caqliga ah oo aanay fikrado ay ku kala faidaystaan, iskuna tusan waxa sax ah iyo waxa khaldan ay yaraadaan. Waxa lumaya dadka aqoonta leh oo isu taga oo soo jeediya rayi kala duwan oo dan u ah dalka (Civil Society Forum).
Haddaba waa in yar iyo weynba dawladda la fahamsiiyaa inay cawaaqib xumo keenayso in la cabudhiyo saxaafadda iyo afkaarta dadka.
Waan garan karnaa in ay habboon tahay in xeerar iyo nidaamyo lagu maamulo saxaafaddu ay jiraan. Waxana taa dabooli kara oo aanu in badan soo jeedinay inay dawladdu samayso Guddi (Commission) ka madax bannaan hayadda fulinta oo ka kooban aqoon yahan siyaasad miisaaman leh mucaarid, muxaafid, dhexdhexaad iyo hayadaha aan dawliga ahayn.
Commission kani wuxuu noqonayaa mid barlamaanka geeya xeerka saxaafadda ka dib markay cilmi baadhis ku sameeyaan ee ay dersaan nidaamka ugu wacan ee Somaliland Saxaafaddeeda lagu maamuli karo.
Ka dib golaha wakiiladu waxay dejin karaan sharci madaxweynaha iyo waaxda fulintuna ay saxeexaan. Guddidan cusub waxa awood loo siin karaa inay liisanno siiyaan ciddii doonaysa inay idaacad furato, joornaal soo saarto, ama daabacdo wixii warfaafin ku saabsan. Iyagoo ka qaadi karta ciddii ku xadgudubta sumcadda ama ethics ka la isla meel dhigo.
Waxanu dawladda ku baraarujin lahayn inaanay maanta oo keliya fikirkooda ku koobin ee ay eegaan sida uu xeerkan saxaafaddu mustaqbalka dalka u taabanayo.