In badan bay dadka qurbaha joogaa isku dayaan inay dadkooda wax u qabtaan. Waxayse inta badan ku hungoobaan maamul xumo iyo xin iyaga dhexdooda kala gala. Waxa soo baxay koox yar oo iskood isu xilqaamay kuna tashaday bal inay muujiyaan karti ay ku taageeraan dadkooda gaar ahaan kuwa liita ee Somaliland ku nool.
Kooxdan oo shan qof ah ayaa waxa isu keenay mid ay ka siman yihiin oo ah: Sidee baynu dadka liita ee Somaliland deggan gaar ahaan carruurta dhegaha aan wax ka maqlin wax ugu qabannaa?
Talyaanigaa wuxuu ku maah maahaa "Fara dire a fare ce il mare" Wax dhihidda iyo qabashada badbaa u dhexaysa. Iyagoo ogsoon inaan hadal keli ahi wax tarin ayay kooxdani waxay sannadkii labaad ku guulaysteen inay sameeyaan hanti ururin ay bulshada madaxa adag ee Toronto deggan kaga soo dhalaalaan inay ka midho dhaliyaan baaqii ay ku yeedheen.
Waxay ku bilaabeen sannad ka hor inay xaflad ballaadhan dhigaan oo dad isu yimaaddo ruwaayad iyo heeso, ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah oo meel weyn lagu qabtay. Dhallintuna qoob ka cayaar jaanta wadhay. Waxay isu keeneen xoogaa lacag ah oo runtii marka loo eego qurbaha aan sidaa u cuslayn laakiin marka sabeeno loo rogo ee dalkii la geeyo wax weyn ka taraya baahida ubadkaa maqalka ka liita.
Laakiin may xifaalo la'ayn. Qurbaha waxa ku nool dad aad moddo inay is eeganayaan oo haddii qof wax u dhaqaaqo mid kale odhanayo anna waykan. Okay, sidaa ma wada aha, oo waxa jira dad iyagu daacad ka ah waxtarka dalkooda. Waxa jira magaalooyinka ay Somalida qurbaha ku badantahay ee Waqooyiga Amerika ee Canada iyo USA inay jiraan dad badan oo dedaal ugu jira horumarka dalkooda. Waxa jira dad uruuriya dhaqaale, dawooyin, buugaag iyo wixii kale ee waxtar u leh dadkooda.
Laakiin bani'aadam kama madhna xin iyo xasarade, waxa jira isfahan la'aan weyn oo ku kala dhex jira bulshdada Toronto ku dhaqan oo aan maalmahan marti u ahaa. Nasiib darro waxabad mooddaa inaan ku dhex milmay qudhaydu oo miisaankii dhexdhexaadka ee aan muujiyay si kale loo fahmay. Waana mid caado ah in qof walba xoog lagu riixo oo kolba qofkii lagugu arko kooxdii ku jiro lagugu shaabadeeyo.
Haddana waa bulsho is wada taqaan, is jecel, tol iyo xidid ah magaaladana dhinaca bari ka wada dega. Waa dad isu baahan, is caawiya markay dhibaato timaaddo. Aasta kooda dhinta, booqda kooda buka, u ciyaara kooda guursada oo ka tuma kooda faraxsan. Waxa ka dhexeeya xidhiidh murugsan oo qofkii isku daya inuu fasiro uu ku wareero kana walaaco. Mana habboona in cidna sawir toos ah ka bixin karto.
Adduun hawlo kama dhammaatee waa xaqiiqo lagu noolyahy meel kasta oo la joogo oo illaa Xaawo iyo Aadan in dadka tartan dhex maro. Marka se ay gidaar ku noqoto wax wada qabsashada iyo horumarka ayay dhibkeeda leedahay.
Aan u soo noqonno dhallintan is xilqaantay ee reer Toronto ee caruurta dalkii hooyo ee maqalka liita wax tarkeeda u heellan. Waxay sannadkan isu keeneen dad muxtarim ah oo qoysas u badan.. Waxay sidii sannadkii hore oo kale keeneen ciyaaro Afrikaan, heeso somali, khudbado dhiiri gelin ah. Waxa la galay bakhtiyaa nasiib oo tigidho la iibsaday. Waxana lagu guulaysanay qalab tabaruc ah oo meesha la keenay.
Dhallintan oo ogsoon siyaadda magaaladooda ayaa dhegaha ka furaystay dadka hadalka duwa ama si xun wax u sheega. Waxayna ku guulaysteen inay tigidhada hore u sii iibiyaan oo xitaa dad badan oo aan imanaynin ay tabaruca ka qaybgalaan.
Haddaba reer Toronto iyo dadka kale ee reer Somaliland ee qurba joogga ahi maxay ka baran karaan kooxdan oo la yidhaa the RASSS Group. oo magacoodu u taaganyahay xarafka hore ee shantooda magac?
Waxan filayaa inay laba arrimood ka faa'idaysan karaan qofkii raba inuu hawl tabaruc oo midho dhal ah sameeyo.
Waa ta koobaade inuu isu keeno dhawr qof oo ay ka go'antahay inay waxqabtaan. Oo qof waliba geliyo muruq iyo maskax wixii karaankiisa ah oo aanu waxba ka hakran, cidna hawsha loo diro ku hallayn.
Ta labaad waa mid aad u adag oo u baahan niyad midaysan iyo adkaysi. In aan dheg loo dhigin hadalada dib u dhaca ah ee niyad jabka keenaya. Mararka qaarkoodka aflagaado shaqsi isu roga oo xifaaladu noqoto mid talax tagta. Waxana lagu gaadhi karaa dulqaad iyo karti.
Kooxdani waxay muujiyeen dulqaad iyo kartida looga baahanayahay ciddii ay ka go'antahay inay dadkooda waxtaraan. Carruurta Maqalka ka liita ee Somaliland waxay nasiib u yeesheen inay dad noocaas ahi u kacaan.
Anniga iyo inta wanaagga jecel waxanu leenahay Hambalyo iyo Sharaf baad mutaysateene, fadlan halkaa ka sii wada.
No comments:
Post a Comment