Saturday, March 15, 2008

Saleban Dahir Cabdillahi ayaa Caawa Toronto si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu u taagan yahay jagada musharaxa Mayorka Hargeysa


Xafladdan ballaadhan waxa ka hadlay dad kala duwan. Waxana ka soo qaybgalay dad badan oo taageero u muujiyay Musharax Saleban.
Toronto (Hadhwanaag) – Xaflad si culus loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Saleban Dahir Cadilahi oo lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada habeenkii Sabtidii ee bishan March ay ahayd 14 ayaa wuxuu Saleban kaga dhawaaqay in uu u taaganyahay, “Musharaxa Golaha Degaanka iyo Musharaxa Mayorka Magaalada Hargeysa’.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo reer Toronto ah ayaa waxa ka hadlay dad kala duwan oo gubaabo iyo dhiirri gelin u soo jeediyay Musharax Saleban Dahir Cabdillahi (Dogox) oo isagu muujiyay inuu ka mid noqon doono dhallinta qurbaha ka noqonaysa ee aqoontooda iyo xirfaddooda dalkii hooyo wax ugu qaban doonta.

Sheeh Shaakir oo ka mid ah culimada diinta ee dalka Canada ayaa quraan iyo duco ku furay. Wuxuuna Saleban ka codsaday inuu noqdo mid ka duwan siyaasiyiinta kale ee iyagu musuqmaasuqa ku shaqeeya. “Salebanow waxan kaa codsanayaa inaanad laaluush qaadan. Inaad xoolaha danta guud ka fogaato, Dadkaagana waxtar iyo fa’ido u yeelato”, ayuu intaa ku daray.

Meesha xafladdan lagu qabtay oo aad loo qurxiyay ayaa waxay ahayd mid ay dadka ka muuqdeen jawi farxadeed. Iyagoo isla sawirayay una bishaaraynayay Musharaxa Golaha Degaanka iyo Duqa Caasimadda Somaliland Mudane Saleban D. Cabdillahi.

Waxa taariikhdii Saleban si kooban uga hadlay Khadar Guun oo ka mid ah dadka deggan Toronto oo aqoon badanna u leh Saleban. Khadar Guun waxa uu ka warramay heerarkii dhalin yaro ee ay soo wada mareen iyo sida ay jiilkoodu manta noqdeen kuwa la wareegaya maamulka dalka. “Saaxiibkay Saleban ayaa maanta siyaasadda dalka iyo hoggaankiisa u diyaar ah. Waxa kaloo jira rag ka horreeyey iyo qaar naga dambayn doona. Maanta waa Alle Mahaddii haddii ay jiilka aanu isku dada nahay noqdeen kuwo u diyaara inay dalkooda siyaasaddiisa hoggaamiyaan oo dadkooda wax u qabtaa.” Ayuu yidhi.

Khadar oo ammaan u soo jeediyey Saleban ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu ku jiro ragga sida fiican ugu guulaystay nolosha qurbaha ee qoys, aqoon, shaqo iyo ganacsiba isku waday si miisaamanna u noqday kuwo ka gun gaadha nolosha adag ee qurbaha.

Xasan Ducaale oo ka mid ahaa dadkii isku dubba riday xafladda caawa ayaa isagu hadal kooban ku sheegay in ay reer Toronto diyaar u yihiin inay Saleban ku taageeraan musharaxnimadiisa.

Xafladdan oo uu xidhiidhinayay Gabyaaga Caanka ah ee reer Toronto Cali Jaamac ayaa waxa dhinaca muusiga daadihinayay ninka dhallinta yar ee Cabdillahi Boqol oo heeso macaan oo qoob ka ciyaar dhalintu ku raaxaysato soo bandhigay.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayuu Saleban Daahir Cabdillahi (Dogox) habeenkii Sabtida soo bandhigay. Waxa uu taabtay meelaha looga baahanyahay in si degdeg ah wax looga qabto oo uu sidii wax looga qaban lahaana soo jeediyay.

Saleban waxa uu sheegay in magaalada Hargeysa noqotay mid aad u weynaatay oo maamul adag u baahan. Waxay doonaysaa qorshe lagu hore mariyo oo isu dheelli tiran ayuu qeexay. Waxana uu yidhi, “Meelaha wax qabadka u baahan waxa ka mid ah in la helo biyo wada gaadha dadka deggan Hargeysa’. Isagoo ku tuuntuunsaday inay biyuhu yihiin aasaaska nolosha qof kastaana xaq u leeyahay in uu biyo uu ku noolaado uu helo.

Khudbadda Saleban uu ku soo bandhigay inuu musharrax yahay, meelaha wax qabadka u baahan, talooyinka iyo qorshayaasha uu wato ee uu ku saxayo. Oo ay ka mid yihiin casiryaynta cashuur ururinta, dayactirka waddooyinka, caafimaadka guud, waxbarashada iyo shaqaalaha dawladda ayaa waxanu ku eegi doonnaa qormada dambe.

Ugu dabmayn waxa dadkii ka qoslisay iyadoo afka English ku hadlaysa Saleban inantiisa ugu yar oo lix jir ah oo la yidhaa Siman. Waxayna tidhi marka afka Somaliga loo tarjumo, “Waxan ku faraxsanahay inuu aabahaydadkiisa wax u qabanayo. Waxaad ku mahadsan tihiin inaad taageeraysaan oo aad caawa halkan isugu timaaddeen. Waxanan Aabahay weydiisanayaa inuu [Hargeysa u] dhiso dab demis iyo inuu sameeyo telefonka la waco ee [emergency ama marka dhibaato dhacdo la diro] 911”. Siman waxay dadkii meesha joogay ka qoslisay dhiirri gelin badanna ku beertay iyadoo sacabka mar keliya la isku daray.

Haddaba xafladdan oo ahayd mid aad loo habeeyey ayaa waxa intii dambe noqotay mid dadku ay iyagoo raxan raxan ah sawirro la galaan Musharrax Saleban. Halka ay qaar kale qoob ka cayaar iyo kaftan iskula joogeen. Waxana uu ahaa habeen caweys farxad iyo raynrayn ku dhammaada.

Hadhwanaag
Toronto, Canada

No comments: