Fikirka Xorta ah - Waxa beryahanba booqasho dibadda ku marayay wafti balaadhan oo isugu jira xildhibaanno Golaha Wakiilada ee Somaliland ka tirsan oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ee UCID iyo guddida Fulinta ee UCID.
Waftigan oo ay hore ula socdeen Guddomiyaha Xisbiga Faysl C. Warabe iyo Afhayeenka am Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Cirro oo iyagu hadda dalkii ku laabtay hawl shaqo aawadeed ayaa waxay soo mareen dalal badan oo ka tirsan Yurub, USA iyo Canada.
Qaybta hadhay oo haatan ku sugan dalka Canada ayaa waxay toddobaadkan la kulmeen madax sare oo ka tirsan dawladda iyo barlamaanka Canada. Iyagoo soo hooyay guulo wax ku ool ah oo ay ku jiraan ballan qaadyo la taaban karo ama la daba geli karo.
Waftiga haatan ku sugan Canada oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Naasir X. Cali, Guddoomiyaha Xisbiga ee Waqooyiga Amerika Keyse C. Geeddi, Mudane Maxamed Ibrahim Adan (Qabo) oo k atirsan guddida fulinta, Mudane Ibrahimrashid M. Axmed, iyo Mudane Axmed Xuseen (Fag-Fagaash) ayaa lugtii safarka ee u dambeeyey maanta kula kulmaya bulshada reer Somaliland ee deggan caasimadda Canada ee Ottawa.
Waxa habeenkii Axaddii ay ka soo noqdeen magaalada Toronto oo ay loogu sameeyey xaflad ballaadhan oo lagu sagootiyay. Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay Guddoomiye Xigeenka UCID ee Toronto Mudane Nasir Maxamud ayaa waxa ka hadlay dad dhawr ah oo odayaasha reer Toronto iyo xubnaha waftigaba isugu jira.
Waxa hadal mahadnaq iyo guubaabin ah ku furay Guddomiye Nasir Maxamud oo waftiga uga mahadnaqay imaantinka Canada oo noqotay mid ay guul dhab ah dalka iyo dadkaba u soo hooyeen. Wuxuuna sheegay inay reer Toronto caado u tahay inay cid kasta oo Somaliland ka soo jeedda oo wafti ugu timaadda xisbigay doonaaba ha ahaadeene ay gacmo diirran ku soo dhaweeyaan.
Waxa sifoo kale ka hadlay Xoghaya Arrimah Dibadda ee Xisbiga UCID Pilot Axmed X. Fagfagaash oo isagu hogaaminayay waftiga safarka Canada ku maraya. Axmed waxa uu si aad iyo aad ah uga mahadnaqay sida hagar la'aanta ah ee ay dadweynaha reer Canada ugu soo dhaweeyeen. Waxa uu sheegay inay ku reebtay raad kalgacal oo uu in badan u haynayo dadka Canada deggan ee reer Somaliland.
Xoghaye Axmed Fagfagaash oo ku hadlaya magaca waftiga ayaa waxa uu abaal marin guddoonsiiyay dadkii sida hagar la'aanta ah waftiga ugu hawlgalay. Waxana uu sheegay inaanay laantood u suurto gasheen hawsha ay u yimaaddeen.
Dadkii abaal gudka la siiyay ayaa waxa ka mid ahaa Amina Cabdi Jaamac, Cawil Xaashi Maxamud. Waxa sdoo kale abaal marin ay waftigu siiyeen saxaafadda Somaliland ee sida hagar la'aanta ah uga warrantay kolba siday hawsha waftigu u socoto oo ay ka mid tahay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, Tifatiraha Hadhwanaag Axmednasir Jibril Farax.
Waxa kaloo oo goobta xafladda ka hadlay Xildhibaan Nasir X. Cali, Mudane Maxamed Ibrahim oo waftiga la socda iyo Farax Abokor Khayre iyo Shiine Wacays oo ka tirsan odayaasha magaalada Toronto oo waftiga talooyin ay la guryo noqdaan iyo hadalo xikmad leh soo jeediyay.
Xafladdan oo aad u qurux badnayd waxa sidaanu hore u soo sheegnay soo agaasimay Guddomiye Xigeenka UCID Toronto Mudane Nasir Maxamud oo intii ay waftigu Canada ku sugnaayeen si aan la soo koobi karin masuuliyaddooda dejinta, nasashadooda, gaadiidkooda, qarabasalaankooda iyo dukaansigoodaba u gutay. Isagoo wakhti iyo malba si niyad sami ah ugu hagar baxay.
Waftigan oo la filayo inuu toddobaadka soo socda ku noqdo dalkii iyagoo Yurub sii maraya ayaa waxay warbixinta hoos ku qorani dhigaysaa cidday kula kulmeen Canada iyo sawiradii oo la socda.
Riix halkan si aad u akhrido warbixinta:http://radiohadhwanaag.com/index.php?news=427
Sawirada halkan ka daawo: http://www.flickr.com/photos/58551580@N00/sets/72157604109287716/show/
No comments:
Post a Comment