Friday, March 21, 2008

Muranka ka dhex taagan Guddida Doorashada Qaranka


Fikirka Xorta ah - Ma yara hawsha laga sugayo inay qabtaan Guddida Doorashada Qaranka. Waxay saaran masuuliyad ah inay maamulaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo dadweynaha Somaliland ku qanco, kuwa tartamayaana raalli ka yihiin. Waxay haystaan wakhti yar oo ay dadka ku tiriyaan, doorashadana ku qabtaan.

Hawsha miisaankaa lihi waxay u baahan tahay dad aqoon farsamo, xirfad maamul iyo karti waddaninimo leh. Waxay ddonaysaa wada shaqayn la isku miisaamo danaha is jiidhaya ee Xisbiyada iyo kuwa gaarka ah, iyadoo danta guud ee dalka la isugu soo biyo shubayo ama lagu salaynayo waxqabadka kasta oo soo baxa.

Haddaba wararka beryahan ka soo yeedhaya xafiiska Guddida Doorashada Qaranka ee ku saabsan khilaafaadka xubnaha qaarkood, eedaymaha xisbiyada, iyo is casilaadda Guddomiyaha ayaa werwer xoog leh ku abuurtay shacbiga horumarka jecel ee Somaliland.

Dalkan wax badan baynu u hurray, naf, maal, maskax, maamul hagaag iyo hoggaan adag, waxana maanta habboon in laga hortago inaanu dhibka Guddida Doorashada Qaranka haystaa noqon mid saamayn mustaqbal sida dalka Kenya oo kale innagu yeesha.

Waa in dadku yar iyo weynba arkaan hawsha haysataa culayskeeda oo ay u garaabaan. Waa inaynu la talinnaa, ka caawinnaa dhinaca farsamada oo taakulayn iyo dhiirri gelin u fidinnaa. Ficilka hore wuxuu kaa caawiyaa ka hortagga dhibaato ama belo soo fool leh.

Haddii aynaan iska kaashan maanta, oo ana la aqoonsan goldaloolada Guddida Doorashada Qaranka, berrii ayaynu ka calaacali.

Maxaad ku talin lahayd? Soo dir fikirkaaga xorta ah.

1 comment:

Anonymous said...

See here or here